ERDOGAN: – Turkiga isuma dhiibi doono argagixisada, dagaalka aan kula jirnana waa uu sii socon doonaa

0
361

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii uu dhacay weerarkii sanadka cusub ee lagu dilay 38 ruux la hadlay shacabka, waxaana uu sheegay in qorshaha axrgagxisadu yahay mid ay doonayaan in ay ku aamusiyaan kuna kala qeybiyaan shacabka.

Erdogan ayaa sheegay in ay fahansan yihiin qorshaha argagixisada, waxaana uu intaa raaciyay in aysan marnaba isu dhiibi doonin ayna sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan.

” – Turkiga, marnaba isuma dhiibi doono argagixisada. bal waxa ay sii wadi doontaa dagaalka ay kula jirto ilaa laga cirib tirayo”, ayuu yiri madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Waxa uu sheegay madaxweynuhu in weerarkii discotegga habeenkii sanadka cusbaa uu ahaa mid lagu khalkhalinayay shacabka sida uu u noqon doono sanadka 2017, balse waxa uu sheegay in khal-khalkaasi waxba u arki doonan shacabka iyo dowladda Turkiga.

Dhanka kale baarlamaanka dalka Turkiga ayaa u codeeyay in la kordhiyo xaaladda deg-degga ah ee dalkaasi uu ku jiro, wuxuuna ogolaaday in seddax bilood laga badiyo amarka degdegga ah oo la soo rogay ka dib afgembigii fashilmay ee bishii July, 2016.

Xaaladdan cusub ee deg-degga ah ayaa waxa ay socon doontaa illaa iyo bartamaha bisha April ee sanadkan 2017.