Xaaladda Abaareed Ee Gobolka Togheer Oo Ka Sii Dartay, Xog-waranka Dadka Deegaanka Iyo Baafinta Guddigii Abaaraha

0
344

Xaalada abaareed ee ka jirta deegaanada gobolka Togdheer ayaa maalinba maalinta ka danbaysa kasii daraysa, waxaana dadweynaha deegaankaasi oo ay qaylo dhaani kasoo yeedhay
ay sheegeen in wax ugu darani ay tahay biyo la’aan soo food saartay, waxaanay baaq u direen xukuumadda Somaliland.

Qaar ka mid ah dadweynaha deegaanka Dabaqabad oo hawd ka xigta gobolka Togdheer oo ka waramay xaaladda abaareed ayaa waxa ka mid ahaa hadaladoodii:
“Magaaladu waa Dabaqabad oo ka tirsan gobolka Togdheer dayrtii iyo guggii labadaa mid roob maanu arag biyo la’aanta ayaa hadda noogu daran”.
Mid Kale oo ka mid ah dadka deegaan Dhoqoshay ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay gurmad u fidiso dadka ay abaartu saamaysay waxa aanu yidhi “waxa aanu xukuumadda ka codsanaynaa gurmad deg-deg ah, waayo iyaga ayaa dadka ka masuul ah oo madaxdii dalka ah oo loo doortay kolay dee way arkayaan oo waxba kama qarsoona annaguna waxa aanu ugu baaqay in dadka deegaankan Dhoqoshay oo markii horeba badnaa lagu soo guuray halala soo gaadho caawimo deg-deg ah Raashinka iyo dawooyinka xoolaha”.
Inkastoo ay jirto xaaladaasi adag hadana lama hayo meel ay jaan iyo cidhib dhigeen guddigii abaaraha ee hawshaas qaranka u qaabilsanaa oo uu guddoomiye u yahay madaxwayne kuxigeenka Somaliland.