“Garaadkii Hufnaa Halkuu Gaadh Ku Yidhi ?” Qormo Gaaban W/Q Khaalid Bakayle

0
485

“Siday diintu nagu tidhi
Dayaxana ha dhaafee
qayrkaa darajaduu helay
rabbi kaama daahine
Dadaal gaadhi doontide”

Bismilahi Raxmaani Raxmiin waxaan idinku salaamayaa dhamaantiin akhristayaasha sharafta mudan Salaanta Islaamka (Sallamu Calaykum wa raxmatulaahi wa-barakaatu ) Intaas ka dib waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa qormo gaaban uma baahnaan doonto runtii in aan fur-furo iyo macnayn badan midna.

Nolosha ibnu aadamku kama maaranto hore-socod iyo in aad astaysato hiigsi nololeed oo aad weysada u biyeysato sidii aad u gaadhi lahay, ma jiro aduunka wax adag laakiin waa shaki la’aan in ay kaaga hor imanayaan hayaankaaga nololeed caqabado adayg inta ay ka qabaan xiliyada qaar aad naftu ku odhanayso maxaa kugu dhibay waxan aad u socoto, laakiin marka ay sidaa ku leedahay ma aha fikir saxsan waayo waa majara habaabin hadimo ku ah qorshahaagii nololeed ee kuu astaysnaa awal.

Sidoo kale waxa jiraya hadimooyin kugu gadaam-naan doona inta aad ku guda jirto ka dhabaynta higsigaaga, waxa ka mid ah arimo inta badan kaaga baahnaan doona in aanad dheg u yeelan, kow waxa ka ah shayga la yidhaahdo xaasid-nimadda oo noqon doona wax ku soo kordha nolol maalmeedkaaga kaasi oo aad si joogto ah ula kulmi doonto, Inaad muujiso mayal adkaan xaga nolosha ah si aad hayaankaaga nolosha aad u furto guri barwaaqaad waa shayga ugu muhiimsan dhabbo toosan oo aad u raacdo higsigaagana noqon karra.

Iyada waxa aanad moognaan doonin in ay jirayaan dad iyagu xooga saari doona in ay kaa niyad jabiyaan waxa aad rabto, dabcan wey jirayaan su’aalo fara badan oo is weydiintoodu ay naftaada ku badan doonto waxaana ka mid ah su’aalahaasi Horta dadkan ku diidan maxaad ku samaysay ? dee mooji iyo waxba la’aan ayaa kuu soo baxaysa marwalba ileen waa dad aanad saxar taabsiin oo iyagu uun ka gubanaaya guushaada nololeed halka ay liidin jeexan lahaayeen oo ay higsan lahaayeen wax hagaagsan oo nolol aduun iyo mid aakhiraba anfaca, sidoo kale waxa jiraaya dad ku dhiiri-galin doona haba yaraadaane muhiimaduna waa in aad kuwaas ka shidaal qaadato oo aad hore ugu socoto halkaad taabo isleedahay.

Muhiim waxa ahaanaysa in aad u baahan tahay talaabooyin aad weheshato isla markaasina aad u raacdo ilaa halka safarkaagu ku egyahay, sadexdan qodob ee aan hoos ku qori doonaa waxa ay kaa anfacayaan guud ahaan gaadhista hadafkaaga.

1. ALLAH Ka Cabsi Badhax-tiran :- in aad samayso cibaado suuban iyo allah ka cabsi badhax-tiran oo aan waxba lagu lamaanayn waa liibaan aduun iyo mid aakhiraba.

2. Dulqaad :- In aad dulqaad yeelato waa dawo muhiim ah, waayo waxa kaa hor imanaaya xaalado badan oo aad badhkood dhibsan doonto hadii aanad ka dulqaadana waxba ma hagaagayaan.

3. Samir Dadaal Ku Lamaanyahay :- Labadan qodob ee ugu dambaayaa waa furayaal aad ku furan karto waxkasta oo adkaaga hadii aad Samir samayso dedaala ku lamaanayso.
FIIRO GAAR AH :- Sheegmadan oo dhami waxa bud-dhig u ah in aad Noqoto qof muslim ah oo kuna dhaqmaya diinta duuban ee xaniifka ah.

Ugu dambayntii idilkiin waan idiin mahadcelinayaa intiina waxkhtiga u hurtay akhrinta qormadan kooban, waxaan filayaa in aad wax ka faa’iidaan.

ALLAH MAHADLEH
#SamahaSheeg.
Khaalid Ahmed Mohamed (Kh.Bakayle)
Suxufi Madax-banaan.
Burco/Somaliland
Xidhiidh Email :- Khaalidbakayle@gmail.com