RIKOODHADII laga diiwaan geliyey guushii ay xalay kooxda Real Madrid ka gaartay Napoli ee Champions League

0
461

Real Madrid ayaa xalay 3-1 ku dhuftay SSC Napoli oo marti u ahayd lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League.

Kooxda ku ciyaarta garoonka Santiago Bernabeu waxaa saddexda gool ee kulankan u kala dhaliyey Benzema 18, Kroos 49 iyo Casemiro 54), halka Napoli goolka qura oo ay kulankan la timid uu u dhaliyey Insigne 8’daqiiqo bilowgii ciyaarta.

Haddaba halkaan hoose ka eeg RIKOODHADII laga diiwaan galiyey kulankan:-

>- Cristiano Ronaldo ayaa abuuray shan gool Champions League xilli ciyaareedkan waana in ka badan xilli ciyaareed kasta oo kale.

>- Cristiano Ronaldo ayaa loo diiwaan geliyey 16 gool caawin oo Champions League ah tan iyo xilli ciyaareedkii 2012/13; waana in ka badan ciyaaryahan kasta oo kale.

>- Karim Benzema ayaa dhaliyey goolkiisii 51-aad ee Champions League waxaana uu ka sare maray laacibka ay isku wadanka yihiin ee Thierry Henry, kaasoo tartankan ka dhaliyey 50 gool.

>- Karim Benzema ayaa noqday ciyaaryahanka ugu goolasha badan tartanka Champions League ee xiddigaha u dhashay Faransiiska.

>- Casemiro ayaa dhaliyey labo gool Champions League, waxaana uu labadaas gool ka dhaliyey bannaanka xerada ganaaxa.