Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga waxa uu si gaar ah tacsida ugu diyarayaa safiirka Somaliland ee dalka Itoobiya Amb. Aaden Muuse Jibriil iyo xaaskiisa

0
290

Hargeysa(Warsugannews)Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ku hadlaya afka hay’adaha kala duwan ee xisbiga ee kala ah; Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, Garabyada xisbiga, laamaha dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Maxamed Cabdisalaam Xasan oo ku geeriyooday dalka Qadar maalintii Salaasadii (12/07/2016).
Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah tacsida ugu diyarayaa safiirka Somaliland ee dalka Itoobiya Amb. Aaden Muuse Jibriil iyo xaaskiisa oo iyada ay marxuumka walaalo ahaayeen.
Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay aqoonyahan ku xeeldheeraa cilmiga dhaqaalaha, isla markaana ka mid ahaa qurba-joogga waxtarka ku biiriyey waddankiisa hooyo.
Ugu dambayntii, waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska iyo shacabka uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.
Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE