Kulamadii uu Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashigu la yeeshay Ganacsatada Gabiley iyo Tog-Wajaale

0
393
????????????????????????????????????

1. Kulankii Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashigu uu13.07.2016 la yeeshay Ganacsatada magaalada Gabiley, maamulka heer degmo iyo heer Gobol iyo guddida Horumarinta Gobolka, haweenka iyo ururrada bulshada ee Gabiley:

Hargeysa(Warsugannews)Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga ayaa 13.07.2016-ka kulan ballaadhan la yeeshay Ganacsatada magaalada Gabiley, maamulka heer degmo iyo heer Gobol iyo guddida Horumarinta Gobolka, haweenka iyo ururrada bulshada. Kulankaa isaga ahi wuxuu ahaa xog-warran iyo sidii ay Bulshada Gobolku ay xogogaal ugu noqon lahaayeen Qorshaha iyo Mashaariicda ay Xukuumaddu ku horumarinayso kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka. Arrinta ugu muhiimsan ee uu Wasiirku uga xog warramayey Bulshada Gobolka Gabiley, gaar ahaan Ganacsatada iyo Masuuliyiinta Gobolka waxay khusaysay sidii Bulshada Gobolkan Gabilay ay si cad ugu fahmi lahaayeen faa’iidada dhaqaale, ta horumar iyo saamaynta siyaasadeed ee uu dalkeena u yeelan karo Mashruuca horumarinta iyo dib-u-dhisidda Marsada Caalamiga ah ee Berbera taasoo ay Dawladda Somaliland dhawaan heshiis hor dhac la gashay Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta. Sidoo kale, kulankaa waxaan Bulshada kala hadlay sidii ay Gobol ahaan ugu diyaar-garoobi lahaayeen ka faa’iidaysiga Mashruuca DP World, maadaama uu Gobolkani ku yaallo Jidka ugu muhiimsan xarakaadka Ganacsiga.

Dhinaca kale, kulankaa isaga ah waxa uu Wasiirku kaga hadlay in ay lagama maarmaan tahay in Bulshadu ay meel uga soo wada jeestaan dadka iyagu ku xajiimooda horumarka u soo kordha dalka ee mar walba u tafa xayday inay carqaladeeyaan tallaabo kasta oo xagga wanaagsan loo qaado. Kulankan waxaan Ganacsatada iyo Masuuliyiinta Gobolka Gabiley ku boorriyey in si dhab ah loo taageero mashaariicda horumarinta Qaranka ee ay Xukuumaddu horseedka ka tahaya taasoo uu kow ka yahay Mashruuca horumarinta iyo dib-u-dhisidda Dekedda Berbera.

Muddadii uu Wasiirku hayey Xilka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga waxyaabaha ugu muhiimsan ee qabsoomay ama qorshaha xilliga dhaw noogu jira waxa ka mid ah:

1) Dib u habayn iyo tayeyn aanu ku samaynay Waaxyaha kala duwan ee Wasaardda.
2) Joogtaynta iyo kormeer dhab ah xagga saacadaha shaqada Wasaaradda.
3) Waxa kor u kacay adeegyada Ganacsi ee ay Wasaaraddu bixiso, gaar ahaan xagga qaadashada Liisamada Ganacsiga iyo kuwa Shirkadaha gaarka loo leeyahay.
4) Waxa kordhay Codsiga diwaangelinta maalgashadayaasha Ajaanibka ah.
5) Waxa noo suurto gashay inaanu Wasaarad ahaan qorshayno isla markaana aanu muddayno qabsoomidda laba shir oo lagu lafa guri doono sidii dalkeena loo maalgashan lahaa kuwaasoo heer caalami ah oo ka dhici doona Dalka Germany, Magaalada Berlin 31.08.2016 iyo shirka labaad oo ka dhici doona Somaliland, Hargeysa 16, 17, 18 September 2016-ka.”

2. Kulankii uu Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashigu14.07.2016 la yeeshay Ganacsatada iyo guddida Horumarinta Magaalo Ganacsiyeedka Tog-Wajaale:

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga isagoo maalintii labaad ku guda jira booqasho hawleedkiisii uu ku tagay Gobolka Gabiley, ayaa 14.07.2016-ka wuxuu kulan ballaadhan la yeeshay Ganacsatada, Guddida Horumarinta iyo maamulka Magaalo Ganacsiyeedka Tog-Wajaale. Kulankaa isaga ahi wuxuu ahaa xog-warran iyo sidii ay Bulshada Degmada Tog-Wajaale ay xogogaal ugu noqon lahaayeen Qorshaha iyo Mashaariicda ay Xukuumaddu ku horumarinayso kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, mashaariicdaa oo ay ka mid yihiin Berbera-Wajaale Corridor iyo Mashruuca DP World iyo Dekedda Berbera. Arrinta ugu muhiimsan ee uu Wasiirku uga xog warramayey Bulshada Degmada Tog-Wajaale khusaysay sidii Bulshada ku nool Magaalo Ganacsiyeedka Tog-Wajaale ay si cad ugu fahmi lahaayeen faa’iidada dhaqaale, ta horumar iyo saamaynta siyaasadeed ee uu dalkeena u yeelan karo Mashruuca horumarinta iyo dib-u-dhisidda Marsada Caalamiga ah ee Berbera taasoo ay Dawladda Somaliland dhawaan heshiis hor dhac la gashay Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta. Sidoo kale, kulankaa wuxuu Wasiirku Bulshada kala hadlay sidii ay degmo ahaan ugu diyaar-garoobi lahaayeen ka faa’iidaysiga Mashruuca DP World iyo Berbera-Wajaale Corridor, maadaama ay Tog-Wajaale ku taallo hal-bawlaha Ganacsiga laxaadka leh ee u kala gudba dalka Itoobiya iyo Somaliland.

Dhinaca kale, kulankaa isaga ah waxa uu Wasiirku hoosta ka xarriiqay in ay lagama maarmaan tahay in Bulshada reer Tog-Wajaale u ay meel uga soo wada jeestaan dadka iyagu ku xajiimooda horumarka u soo kordha dalka ee mar walba u tafa xayday inay carqaladeeyaan tallaabo kasta oo xagga wanaagsan loo qaado. Wasiirku wuxuu kulankaa Ganacsatada iyo Masuuliyiinta Degmada Tog-Wajaale ku boorriyey in si dhab ah loo taageero mashaariicda horumarinta Qaranka ee ay Xukuumaddu horseedka ka tahaya taasoo uu kow ka yahay Mashruuca horumarinta iyo dib-u-dhisidda Dekedda Berbera. Gabagebadii Wasiirku wuxuu Ganacsatada, Guddida Horumarinta iyo maamulka Degmo Ganacsiyeedka Tog-Wajaale uu kula dar-daarmay inay si dhab ah isaga kaashadaan tayaynta adeegyada bulshada iyo bilicda magaalada iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha ee lagama maarmaanka u u ah horumarka Degamada Tog-Wajaale, taasi oo uu ugu horreeyo dhismaha jidka magaalada dhex mara.