Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Xisbiga ayaa Magacaabay Xoghayaha iyo Afhayeenka Guddida Fulinta Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer

0
380

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Xisbiga ayaa Magacaabay Xoghayaha iyo Afhayeenka Guddida Fulinta Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer
Ref. No: _______________________________________ December 26th, 2016

Ku: Mustafe Ismaaciil Cabdi = Hargiesa =
Ku: Cabdiqani Mahdi Jaamac = Hargiesa =

Og: Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE = Hargiesa =

Ujeeddo: Magacaabista Xoghayaha iyo Afhayeenka Guddida Fulinta Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer.

Kadib markii aan arkay muhiimadda xilalkan heer Gobol u leeyihiin habsami-u-socodka iyo dar-dargalinta hawlaha xisbiga, waxaan u magacaabay in xubnaha hoos ku qoran ay noqdaan Xoghayaha iyo Afhayeenka Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer, laga bilaabo maanta oo bishu tahay December 26, 2016.

1. Mudane Mustafe Ismaaciil Cabdi – In maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer.
2. Mudane Cabdiqani Mahdi Jaamac – In maanta laga bilaabo uu ahaado Afhayeenka Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer.

Waxa aan u mahadcelinayaa Xoghayihii hore ee Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer Mudane Baashe Cismaan Xirsi sidii wacnayd ee uu waajibkiisa shaqo uga soo baxay muddadii uu xilka hayey, waxaanan u rajaynayaa xubnaha cusub in Alle ku asturo xilka iyo masuuliyadda ay qaadeen.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE