Heesta Rubuc-guurada ama 25-Guurada 18ka Meey Ereyadii: Boobe Yuusuf Ducaale

0
388

Heesta Rubuc-guurada ama 25-Guurada 18ka Meey
Ereyadii: Boobe Yuusuf Ducaale

Calanyahow genkaagiyo,
Boqol-guuradaadii,
Rubuc baa guntamayoo,
Gallad Eebbe weeyee,
Guryo-samo barwaaqiyo,
Guclo-orodkii dheeraa,
Libin waxaan ku goostiyo,
Guunyiyo dad waa negi,

Kooras

Guullaa abaalka leh,
Da’-yartii gadooddiyo,
Gadh-caddaa dagaallamay,
Haweenkeenni geylamay,
Guryo-noqod la mahadshaa,
Geyi nabad ah lagu dagay,

Calanyahow gu’gii hore,
Gogol lagu heshiiyiyo,
Gacan-qaadkii loo bogay,
Waa ti geedka loo bilay,
La-guddoomay nabaddee,
Salka guusha loo dhigay,
Dhagartiyo qudh-goyntii,
Magta geela loo huray,

Kooras

Calanyahow gu’gii xigay,
Burco goonyaheedii,
Gadh-wadeenku waa kii,
Intuu geesi kaashaday,
Ka-gadaalna taladii,
Gun-dhiggii ku soo jaray,
Gooni loo is-taagiyo,
Dawladnimada gaarka ah,

Kooras

Calanyahow gu’gii xigay,
Galbiskeedi Boorame,
Kala-guur la mahadshiyo,
Xilkoo Guurti qaaddiyo,
Guddoon fiican baa dhacay,
Axdiyo is-gargaariyo,
Gadh-wadeen la doortaa,
Lagu soo gunaanaday,

Kooras

Calanyahow gu’gii xigay,
Guutooyin ciidan ah,
Taangiga gurguurtiyo,
Qoryihii la soo guray,
Meel lagu gunneeyiyo,
Waa tii gaadhka loo diray,
Xeryo lagu gabbaanaday,
Gaasas qaranna laga dhigay.

Kooras

Calanyahow gu’gii xigay,
Gorfayntii Dastuurkoo,
Afti lagu garwaaqsaday,
Xisbiyadii la gaafaa,
Doorashooyin galayoo,
Maso loo gudboonyiyo,
Xalaal godob-la’aaneed,
Guryo nabad ah lagu keen,

Kooras

Calanyahow gedaafiyo,
Ku-gabbood-falkaagii,
Kama gaabsan shicibkuye,
Waa kuwii ka giirtee,
Nafta geedka ugu xidhay,
Adna gudo abaalkoo ,
Celi wixii laguu galay,
Gef adduun ma waayee,

Kooras

Calanyahow gumaadkiyo,
Dhiigga gobo’ leh lagu helay,
Ha hilmaamin godobtiyo,
Wixii hawl laguu galay,
Si’ gadaal wixii dhaca,
Dadku uga gadoodaan,
Libintaada gaarka ah,
Guudka kaaga dhowraan,

Kooras

Ma gunaanadkaygiyo,
Ictiraafka gaasiran,
Gole- joojintiisaa?
Gudaha oo la hawl-galo,
La guddoomo wada-hadal,
Dalka goonyihiisoo,
Xukunkeenu gaadhiyo,
Saami-qaybsi gobannimo,

Kooras

Dhammaad