Hooyo Khadra Daahir oo ah Hooyada Dhashay Wiil Ciidanka Police-ku ku Dileen Xaafadda Maxamed Mooge ayaa Baaq Dheer Dirtay , waxaanu Baaqu U Dhignaa Sidan

0
590

Hooyo Khadra Daahir oo ah Hooyada Dhashay Wiil Ciidanka Police-ku ku Dileen Xaafadda Maxamed Mooge ayaa Baaq Dheer Dirtay , waxaanu Baaqu U Dhignaa Sidan

Ujeedo: BAAQ KU WAJAHAN DAWLADA J.S.L

Aniga oo ah Hooyo Khadra Daahir C/laahi oo ah hooyada ladilay wiilkeeda DAAHIR C/LAAHI JAAMAC

Aniga oo ah muwaadinad reer soomaaliland aniga oo ah hooyada dhashay wiilka da’ada yare ee lagu dilay xaafada Maxamed Mooge . dil toogasho ah oo sharcidaro ah anagooo ah dad u dhashay Gobolka Togdheer gaar ahaan Oodweyne Anagoo baaq udirnay wasiirka wasarada Arimaha gudaha iyo Aminiga soomaaliland isagoo wasiirku dhagba jeleq u siin waayay iskana dhegamariyay dilka madiga yar loo gaystay waxa aan baaq balaadhan u dirayaa Madaxweynaha J.S.L mudane AXMED MAXAMED MAXAMUUD SIILAANYO iyo marwadiisa AAMINA WARIS MAXAMUUD JIRDE . Labada Gole Qaran Golaha wasiirada iyo Golaha Baarlamankaba , Salaadiinta Soomaaliland meelkasta oo ay joogaan , Cuqaasha , Waxgaradka Aqoonyahanka , Hay’adaha xuquuqada Aaadamaha u dooda iyo ( Beesha Sacad Muuse gaar ahaana Makaahiil )(Nuux Makaahiil )oo uu ka dhashay gacan ku dhiiglaha Magasciisu yahay( NIMCAAN CABDI MAXAMED laguna naanayso (DHABAR ! ) kana tirsan Saldhiga Maxamed Mooge waxaanan idin ogaysiinayaa inaanu xidhnayn dilaaga Gacan ku dhiiglaha ahi aanu wax taalabo ah anuu ka qaadin taliyaha haysta saldhigaasi CABDI KAYD HALAB In la badalay sadexdii askari ee uu kuu jiro Gacan ku dhiigluhu loona badelay Sadhiga Daloodho uu kuna jiro gacan ku dhiigluhu sadexdaa askarina , isla markaana uu haysto hawlihiisi shaqo gacan ku dhiiglihii .

Waxaanu idiin sheegaynaa in aanu Taliyuhuu wax Talaabo ah ka qaadin haba yaraatee dilaaga booliska ah ee goobtiisii shaqo ku dilay Muwaadinkaa yar .

Isla markaana Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha CALI WARANCADE UU si cad isu hortaagay in aan naloo soo qaban gacan ku dhiiglaha xaqdarada ku dilay wiilkayga waxaan iidiin sheegayaa in aan ahay hooyo dhiban oo goblantay wiilkaasi madiga ahna ee la dilay dhashay .

Waxaan idiin sheegayaa in aan ahay hooyo u shaqaysa QARANKA Macalimadna ahayd mudo 20 sano ah .

Waxaan idiin sheegaya in uu wasiirka waran cade ku guul daraystay jawaabta uu ka bixiyay dilka wiilkayga DAAHIR CABDILAAHI JAAMAC (DAKHARE) . Waxaan idiin sheegayaa in uu wasiirku Hay’adaha sir doonka si cad isku hor taagay in ay badhitaan ku sameeyaan Dilka Dhacay , sharcigana lndhaha ka riday.

Waxaan idinka codsanayaa in aad hoos u eegtaan Baaqaygaa waxna ka qabataan Falka Arxan darada ah ee Nalagula kacay .

Waxaan rajeeynayaa in aad nala qaybsan doontaan murugadaa xanuunka badan ee aan idiin soo bandhigay .

ALLAA MAHAD LEH