Ummadu guud ahaan way diidan tahay Ribbada, laakiin dadbaa leh bilaa arsaaqadii cidhiidhi gashaa, oo xaaraanta u barooranaya, waxaan leenahay

0
562

“Ummadu guud ahaan way diidan tahay Ribbada, laakiin dadbaa leh bilaa arsaaqadii cidhiidhi gashaa, oo xaaraanta u barooranaya, waxaan leenahay..”

“Hadaad ummada u naxariisto, weliba dadka qaraabada xidhiidho, waa sababaha Ilaahay arsaaqada ku bixiyo..”

Hargeysa-(Warsugannews) Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa shaaca ka qaaday in bulshadu iska ilaaliso inuu ku dhaco cudur Nebigu CSW inooga digay oo ah jacaylka aduunyada iyo necbaanshaha geerida, isla markaana sifo khaldan ku raadsadaan arsaaqdooda, oo ilaahay qof walba u qoray intaanu dhalan.

Sheekh Maxamed Dirir oo khudabadii Jimcadaha ee shalay kaga hadlay asbaabaha loo raadsado arsaaqada, ayaa sheegay inaan qofku u marin dariiq khaldan, sida baanan ribbo ku shaqeeya, iyo wax la mid ah, waxaanu ku bilaabay:

“Khudbadeena waxaynu kaga hadlaynaa qanaacada waxa la yidhaahdo, ee dadka islaamka ah Ilaahay u qadaray ama hore ugu qoray. Afar arrimood ayuu sheegay Nebigu CSW in qofka oo uurka u jira in loo qoray, isla markaana aanay haboonayn inuu qofku ka shakiyo, ama ummadu, waa wakhtiga uu dhimanayo, waxa uu cunayo ama calfan doono, shaqi iyo siciid ka uu noqon doono ama aakhiro halkuu ku dambayn doono, ma ehlu-naar mise ehlu-janna, intaba Ilaahay wuu sii qoray. Sdiaa daraadeed ayey haboon tahay in waxa Ilaahay qoray inuu qofku ku kalsoonaado. Asxaabtii rasuulka CSW markii loo sheegay in gaaladii laga mamnuucay Xaramka, ee aayada macnaheedu yahay “Kuwa Ilaahay iyo Rasuulka CSW rumeeyow, gaaladu waa nijaas ee yaanay u soo dhowaan Xaramka sannadkan dabadii,” sannadkii sagaalaad, waxay u soo cawdeen Nebiga CSW odeyaashii reer Maka, oo sheegeen in nimanka xaramka camiri jiray ee hadyado iyo xoolo keeni jiray ahaayeen, markaa tolow duruuf dhaqaale arr-may timaada?, markaa aayada qeybteeda labaad ayuu Ilaahay soo dejiyey, macnaheedu ahaa, “Hadaad ka baqdaad faqri ama duruuf, Ilaahay ayaa fadligiisa iyo dheeraadkiisa idin siin doona.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Ilaahay waxuu xukumo xikmad tahay, lana ogaado in xalku ku jiro, isla markaana sheegay muhiimadeedu tahay, maadama aynu usbuucii hore ka hadalnay xumaanta Ribbada iyo sida Ilaahay uga digay ummada islaamka, ayaa waxaynu arkaynaa in ummadu guud ahaan way diidan tahay Ribbada, laakiin dadbaa leh hadii waayo bilaa arsaaqadii cidhiidhi gashaa, maalgelintii wadanka iyo la macaamilkii baananka Ribbada xaaraanta u barooranaya, maxaa xal ah hadaan kuwaa la helin una muuqda dad qanaacadii ka xumaatay, sida su’aashii asxaabtu weydiisay nebiga CSW, nimankaa gaalada hadii la joojiyo iyagaa Xaramka keeni jiray xoolaha, maxaynu yeelaynaa, jawaabta uu Ilaahay siiyey ayaa innagana inoo taal. Nebigu CSW waxuu ummada islaamka uga digay wax la yidhaahdo Gu-nimmada, Ilaahay agtiisa, weligaaba dadka agtooda Gob ka sheegee, taasa ugu darran. Wax la yidhaahdo Wahhan ayaa ku dhacaya ummada, oo nebigu CSW ku macneeyey jeclaanshaha aduunyada iyo macmacaankeeda iyo ka cararida geeirda, taasoo labadaba sidii loogu qoray aanay u dhaafay, arsaaqadii loo qoray iyo wakhtiguu dhimanayey.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Ilaahay keliya aanu kafaalo qaadin arsaaqada bani’aadamka, balse dhamaan makhluuqaadkiisa u ballanqaaday, sida Ilaahay aayad macnaheedu yahay “Ma jirto shay dunnida dusheeda ama hoosteeda aanu Ilaahay kafaalo qaadin arsaaqadeeda” mar kale Ilaahay waxuu ummada u sheegay in aduun iyo aakhiro waxay calfanayaan qoran yihiin. Nebiga CSW xadiis uu ka werinayo Abu-umaama, ummad aayuu u bishaaraynayaa hadii hunguri-xumo qaadi lahayd, uguna digayaa, waxaanu yidhi, “Malakul-Jibriil waxuu ii sheegay qofna inaanu dhimanayn ilaa cimrigii loo qoray uu dhamaysto, (si kastoo cudurada halista ee laga digo isugu yimaadaanba), qofna arsaaqadii loo qoray ilaa uu dhamaysato inaanu dhimanayn ayuu ii sheegay, Ilaahay ka cabsadoo, arsaaqada raadinteeda wanaajiya. Arsaaqadaada qof walbow waa laguu qoree, tuugo, xaaraan, laaluush, Ribbo ha ku raadin ee xalaal ku raadi, kolay waad cunaysaa oo calfanaysaaye, waano iyo nasteexo ka wanaagsna ma jirto. Waxuu nebigu CSW sheegay inaanu qofna isagoo ka werwersan in arsaaqadu ka dib dhacdo, inuu xaaraan ku raadiyo.

Mar uu ka hadlayey asbaabaha ay muhiimka tahay in qof walba u raaco raadinta arsaaqadiisa iyo sida ilaahay ku barakeeyo ayaa yidhi, nebigu CSW waxuu yidhi, qofka hamigiisa ugu weyn ka dhiga aakhiro, ilaahay qalbigiisa qanni-nimo ayuu dhigaa, arrimahiisa oo dhan wuu u uruuriyaa, aduunyaduna iyadoo uruursan ayey u timaada, kol haduu Ilaahay xusuusan yahay. Sidoo kale qofka hamigiisa ugu weyn noqdo aduunyada, ee aakhiro ilaawa, ilaahay faqriga labada indhood ayuu ka saaraa xoolo kasta ha haysto, ma qanacsana wuu werwerayaa, oo walbahaarsan yahay, arrimahiisuna way kala daataan, mana helo aduunyo waxii loo qoray mooyee. Sababaha lagu raadiyo arsaaqada waxa ka mid ah talla-saarashada Ilaahay, adigoo shaqeysanaya, qof iyo qaranba dedaalaya waa inay Ilaahay tallo-saartaan. Waxa ka mid ah qofku Ilaahay ayuu naxariis ka doonayaaye inuu hadaad ummada u naxariisto, weliba dadka qaraabada xidhiidho, waa sababaha Ilaahay arsaaqada ku bixiyo. Nebigu CSW waxuu yidhi, qofka doonaya in Ilaahay arsaaqada u balaadhiyo, cimrigiisana u dheereeyo ha xidhiidhiyo qaraabadiisa.
mahadsanidiin


Mohamoud Ali Walaaleye
Tell. 00-252-63-4001235
Freelance Reporter
http://www.funca.info/
Hargeisa- Somaliland