If you wanna do something just do it properly otherwise it won’t be done, hadii aad doonayso in aad shaqo qabato siday tahay u qabo

0
424

If you wanna do something just do it properly otherwise it won’t be done. Waa odhaah qaaliya macneheeduna balaadhanyahay runtii somalidana ay u baahantahay in ay ku dhaqanto si ay horumar u gaadho. Macneheeduna waa (hadii aad doonayso in aad shaqo qabato siday tahay u qabo,si dhamaystiran u qabo hadii kale ma dhamaystirmayso ) runtii qofka caqliga u saaxibka ah wuu fahmaya inbadan oo dadka ka mid ahna way garanayan Lkm ma doonayan in ay raacan danahooda gaarka ah awgeed. Waxaad arkaysa wadankeena laamiyey yar aya la odhanaya waa la dhisaya after few months waxad arkaysa iyada oo ciidi aastay amaba burburtay maxa sababay laamida dhan ee lacagtu ku baxday in ay burburto?? Waayo siday ahayd ayan loo dhisin. Maaha lacag aya loo waayey waxa weeye kan amray in la dhiso iyo kan dhisaya ayaan shaqadooda daacad ka ahayn. Waa tusaalaha ugu wanaagsan ee aynu so qaadankarno. Adigu iska bilow oo tusaalahan yar raac hadii aad shaqaale tahay isku day in aad top noqoto oo aad dalacto si aad horumar u gaadho wadankaagana horumar u gaadhsiiso madaxda maanta waa shaqaalihi shalay shaqaalaha maantanA waa madaxdii bari. Ganacsade isku day in aad wadankaaga hurumar gaadhsiiso. Kuma lihi wadooyin dhis dadkana lacag u qaybi. Kaliya hurumarka ka bilow meheradada iyo gurigaaga wajahadiisa walalkaaga jaarka ahna la kaasho una sheeg in uu horumarka qayb ka noqdo. Waxad arkaysa guri aad u qurux badan oo camood iyo xashiish ka hor buuxan. Shaqaalaha: ka noqo horumarka qayb oo shaqadaada siday tahay u gudo hadaad rabto horu socod iskana ilaali wixii naftaDa wax yeelaya. Shaqada maaha kaliya in aad fadhido xafiis kuraas wacan leh shaqadu waa wax kasta oo aad hayso tan ugu hoosaysa marka aad xilkasnimo iyo daacad ku qabato tan ugu saraysa waad gaadhaysa. Qoraagii wayna ee reer masar IBRAHIM FIQHI wuxu weel xale ka aha mid ka mid ah 5star hotels ka ku yaala Australia. Aakhirkiina wuxuu noqday manager ka ama maamulaha dhaman hoteladaas. Muxu ku gaadhay mansabkaas adeerkiina muu lahayn reerkooduna muu lahayn Lkm shaqadisi ayuu uga so baxay siday ahayd. Maanta wadanka xaalad adag ayuu ku jira qofkastana masuul ayuu ka yahay. Madoonaysa in aad wadankaaga horumariso? Ma doonaysa in aad sawirka caalamka Somalia ka aaminsanyahay bedesho? Ma doonaysa in aad dhul bilic iyo qurux leh ku raaxaysato ? Haday jawaabtu ha tahay. Waxaas waxa lagu gaadhaya maaha tahriib oo euro gall ee waxa weeye shaqada Iyo howsha aad maanta ku jirto siday tahay u qabo. Hadaad arday tahay siday tahay wax dhigo si aad wadankaaga ugaga faa iidayso. Hadaad shaqaale tahay siday tahay shaqada u qabo. Hadaad mulkiile tahayna hurumarka ka bilow meheradada iyo gurigaaga. {If you wanna do something just do it properly.} Markasta aad wax qabanayso xusuusnow way ku anfacaysa meelkasta aad joogto. Gaaalada waxay tidhahda $ hadii aad rabto in aad qof disho midida haka qaadin ilaa uu dhinto oo naftu ka baxdo$ inagu macnaha guud ayeynu ka qaadanayna oo ah howsha aad hayso dhamaystir wabilahi tawfiiq.
dr:hindi ibrahim nabadiid
hindi.nabadiid@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here