Ilaa 40 qof oo dhintay kadib markii booyad shidaal ay qaraxday dalka Kenya

0
334

Ugu yaraan 40 qof ayaa dhintay kadib markii booyad shidaal sidday ay ku qaraxday inta u dhexeysa caasimada Kenya ee Nairobi iyo magaalada Naivasha.
Booyada ayaa la sheegay inay shil gashay kadib markii darawalkii uu gaariga xaddidi waayay. Waxaa la sheegay in markii hore hal gaari oo kale ay booyada isku dhaceen kadibna markii ay qaraxday dabi uu  ka kacay.

Intaa kadib ayaa dabkii gaaray gawaari kale oo u dhawaa dabadeedna waxaa dhacday in dad badan oo gawaaridaa saarnaa ay halkaa ku gubteen kuna dhinteen.

Wararka qaar ay qoreyso warhaabinta Kenya ayaa sheegaya in dhimashadu gaareyso boqol qof hase ahaatee wali lama xaqiijin wararkaa.

Dad badan oo kale ayaa iyana dhawaacyo dabkaasi ka soo gaareen.

Booyada ayaa la sheegay inay shidaal u safrinaysay mid ka mid ah dalalka jaarka la ah Kenya.