Gaari Bom lagu soo xiray oo lagu Weeraray Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho

0
328

MUQDISHO – Subaxnimadii hore ee saaka oo Axad ah ayaa weerar loo adeegsaday gaari bom lagu soo xiray lagu qaaday Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ,iyadoona dekeddu aad u ahayd mashquul.

Gaariga bomka lagu soo xiray ayaa lagu dhuftay albaabka hore ee saldhig Boolis oo ku yaala kasoo horjeedka dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Cant. Maxamed Xuseen oo ka tirsan Booliska ayaa u sheegay warbaahinta in gaarigu ku qarxay saldhig Boolisku ku leeyahay banaanka dekedda,qaraxa ayaa dumiyey dhismihii saldhiga.

Qiiq aad u dheer oo daruur u eg ayaa cirka isku shareeray kadib markii uu qaraxu dhacay.

Illaa hadda inta la ogyahay waxaa ku geeriyootay 15 qof oo isugu jirta askar iyo dad shacab ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday mid kamid ah gaadiidka xamuulka qaada kaasoo habeenkii xalay la dhigay banaanka dekedda ,waxaana uu qorshuhu ahaa in saakey gudaha u galo dekedda.

Ururka Al-Shabaab ayaa durba sheegtay weerarkan,waxayna sheegeen iney dileen ilaaladii dekedda oo ka badan 30-meeyo asker.

Shalay ayey Al-Shabaab ku qaaday weerar kan lammig ah bar kantaroom oo ay fadhiyeen ciidamada sida gaarga ah u tababaran ee Gaashaan.

Ururka Al-Shabaab ayaa kordhiyey weeraradooda ka hor doorashooyinka Soomaaliya ee la filayo in ay dhacaan todobaadyada soo aadan.