Jacaylka iyo Shakhsiyadda (personality) (Qaybta 2 aad) – W/Q: Axmed Cali Diiriye

0
466

Jacaylka iyo Shakhsiyadda (personality) (Qaybta 2 aad) – W/Q: Axmed Cali Diiriye

Qaybtii hore ee qormadan ayaynu ku soo sheegnay in gad-gaddoonka jacaylka ee qofku uu ku xidhanyahay dabeecadda iyo shakhiyadda qofka. Si uu jacaylka labada qof u guulaystona, waxa habboon in aqoon loo yeesho qofka kale iyo shakhsiyaddiisa. Saddex shakhsiyadood ayaynu shalay ka soo hadalnay. Maantana halkii ayaynu ka sii ambo-qaadi doonnaa:
4. shakhsiyadda kalsoonidu ku yartahay
Xaajiga aan isku kalsoonayn waxa astaan u ah in uu mar walba is-barbar-dhigo xaaskiisa, dadka kale, wax kastana u fahmo in isaga lagu naqdinayo, lagu yasayo, lagu liidayo. Haddii ay gabadhu ka hawlkar badantahay, kaga wax-soo-saaar badantahay nolosha, ka guulo badantahay, dabadeedna aanay ninkeeda dareensiinin in ay wada guulaysteen, halkaas mushkilad ayaa ka abuurmaya. Sidaa daraadeed, si ay kalsoonidiisu kor u qaadanto qofkan oo kale waxa loola dhaqmayaa in la dareensiiyo in aad hawsha wada qabateen, in lala tashado oo isaga wax walba wax laga weydiiyo.
5. shakhsiyadda werwerka badan
Dabeecad ahaan waa xasaasi noqnoqsho badan, hadalada kala dhigdhiga (kala-saaf-saafa) arrimaha waaweyneeya (naaxnaaxiya). Qofkan oo kale sidee ayaa loola dhaqmayaa xilliga jacaylka? Shakhsiyaddan oo kale ma aha in hadalka si guud loogu dul maro waayo waxa uu doonayaa arrimo kala baxsan oo qodob qodob u kala yaalla. Waxa uu u baahanyahay cid ka caawisa go’aan qaadashada waayo wuxu ka werwersanyahay in haddii khalad dhaco isaga eedda la saarro, had iyo goor naqdinta ayaa ku badan. Markaa ninkan oo kale waxa lagula dhaqmayaa dabeecadiisa.

6. shakhsiyadda dadka kale ku tiirsan
Dabeecad ahaan shakhsiyaddani ma werwer badna balse marka ay go’aan qaadashada noqoto ayaa waxa uu ku tiirsanyahay cid kale. Tusaale ahaan, haddii uu nin yahay waxa uu had iyo goor ku tiirsanyahay gabadhiisa. “Maxaa aad gabadhan uun kaga xidhantahay miyaanad nin ahayn?” ayaa laga yaaba in ay bulshadu ku durto marka uu is yidhaahdo gabadhaada la soo tasho. Balse waa aanay ogayn in uu farqi weyni u dhaxeeyo nooca shakhsiyaddiisa iyo raganimada. Marka ay jacaylka noqoto waxa habboon in shakhsiyaddaas lagula dhaqmo ku tiirsanaanta uu ku tiirsanyahay qofka kale iyada oo loo muujinayo in laga daboolay baahidiisa dabadeedna uu helay cid uu ku tiirsanyahay.

Halkaas marka uu hadalku marayo, waxa habboon in aynu isla ogaanno farqiga u dhaxeeya raganimada iyo tilmaamaha shakhiga ah. Tilmaaha shakhsigu qaar wanaagsan iyo qaar liidasho ku tusinaya. Raganimaduna waa jinsiga ragga iyo tilmaamaha lagu yaqaan. Bulshadeenna waxa caan ka ah in dhammaan tilmaamaha wanaagsan lagu soocdo ragga, dumarkana loo yaqaanno in ay had iyo goor tilmaamo liita leeyihiin. Balse waxa dhacda in ay dumar badan ka tilmaamo wanaagsan yihiin ragga. Tusaale ahaan, gabadha ayaa ka kalsooni badan ragga. Waxa laga yaabaa in ay ragga gabadhan kalsoonida badan leh u qaataan in ay kibir badan tahay oo ay isla weyntahay waayo looma baran gabadh isku kalsoon.
7. shakhsiyadda taban ee ka samaysan cadaawadda
Dabeecadda qofkani waa isaga oo had iyo goor si xumaanaysan wax u soo bandhiga weliba si dadban. Marka ay jacalka noqoto, ma habboona in qofkan oo kale la furo, balse waxa habboon in la is barbardhigo dabeecadda uu ku xunyahay iyo dabeecadihiisa kale. Haddii ay dabeecadihiisa inta wanaagsani ay ka bataan halkan dabeecad ah, waxa habboon in lagula dhaqmo wanaagyadiisa oo aan diiradda la saarin xumaantiisa
8. shakhsiyadda axmaqnimada
Dabeecadda qofkani waa isaga oo had iyo goor ad-adag oo si qalafsan ku cabbira dareenkiisa af, gacan iyo addinba. Waa qof dhib badan ee ku raxaysta dhibista iyo liidista dadka kale. Haddii uu qofkan kale guursado gabadh, dabadeedna uu faraha ku soo fiiqo isaga oo si adag ula hadlaya, waxa la gudboon gabadha in ay hubsado waxa ninkan ku kallifay ad-adayga. Laba mid ayuun bey noqonaysaa, ta koobaad, in ay shakhsiyaddiisu sidaas u samaysantahay, ta labaad, in uu ka soo jeedo bulsho ay tilmaanteedu tahay adadayg iyo qalafsanaan balse aanay isaga shakhsiyaddiisu noocaas ahayn laakiin deegaanka uu ku soo barbaaray samadaa laga dhawaaqo farahana la fiiqfiiqno marka cid loo dhawaaqayo.

Ahmed Ali Diriye
Mob. Phone: +252 63 346 44 47
Facebook: Ahmed Ali Diriye
E-mail: axmadiya@gmail.com/info@hagahaguurka.com
Website: www.hagahaguurka.com