Wefti Ka Socda Hay’adda Horumarinta Dalka Denmark oo kulan la qaatay Xisbiga Waddani + Sawirro‏

0
428

Wefti Ka Socda Hay’adda Horumarinta Dalka Denmark oo kulan la qaatay Xisbiga Waddani + Sawirro‏

Hargeysa (Warsugannews) Hoggaanka Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha aqalka Wakiilada Somaliliand ahna guddoomiyaha Xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro,ayaa maanta Xafiiska guud ee Xisbiga WADDANI ku qaabilay wafti uu hoggaaminayo Madaxa xafiiska hay’adda Danida  ay Somaliland ku leedahay Mr. Michael Thyge Poulsen.

Waftigan ayaa waxa Xafiiska guud ee Xisbiga WADDANI markii ay gaadheen ku qaabilay masuuliyiinta Xisbiga WADDANI, oo ay kamid ahayeen ,Cabdi Raygal Beegsi,Xasan Cod-yare ,Jeeni, Xildhibaan Xuseen Cige iyo Guddoomiye Cirro, waxaana ugu horayn halkaasi ka haddlay Dr Maxamed Cismaan Fadal isagoo uga mahad celiyey weftiga bookhashada ay ku yimadeen Xafiiska Guud ee xisbiga WADDANI ,waxaanu Mr. Fadal uga xog-waramay waftiga habsi u socodka diwaangelinta cod-bixiyaasha ,waxaanu sheegay inay diwaangelintii si habsami ah uga bilaamatay gobolka Tog-dheer,isla markaana ay ku farxasan yihiin ka xisbi ahaan sida ay u socoto diwaangelinta cod-bixiyaasha, welow ay Xukuumadda Siilaanyo ka cago jiidayso ina diwaangelinta codbixiyaayaasha sidii loogu talo galay u socoto,isla markaana ay canaadayso in diwaangelintu socoto, haddana waxaanu ku faraxasanhay inay gobolka Tog-dheer oo laga bilaabay ay si fiican uga socoto,Ayuu yidhi Dr Fadal

Waxa isna madashaasi ka haddlay keyse Cali geedi oo ka mid ah masuuliinta xisbiga WADDANI,isagoo ugu horayn uga mahadceliyey .,Mr. Michael Thyge Poulsen. Booqashadiisa,waxaanu Kayse Cali Geed ka xog-waramay,caqabada laga baqayo inay ku yimadaan diwaangelinta codbixiyaasha isagoo xusay in dhatada la illaaliyo madaama uu qarashka badani galay.

Dhanka kalena Masuulkan ka socday Ha’yadda horumarinta Denmark ee( Danida )Mr. Michael Thyge Poulsen,ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta Xisbiga WADDANI sida ay u qaabileen,isla markaana ugu soo dhaweeyeen xafiiska Xisbiga WADDANI,waxaanu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay sidda ay diwaangelintii uga socoto, gobolka Tog-dheer ,isla markaana wuxuu sheegay in wafti ka socoda wasaarada arimaha debada ee dalka UK ay dhawaaan soo gaadhayaan Somaliland,iyagoo kormeer ku samayndoono sidda ay uga socota diwaangelintu codbixiyaasha Somaliland, waxaanay darsidoonaan caqabadaha ka hor-yimi diwaangelintaasi, waxa kale uu Mr. Michael Thyge Poulsen uu sheegay in magaalada Nairobi ee dalka Kenya in dhawaan waddamada dhinaca doorashooyinka ka tageeraa Somaliland ay shir lagaga haddlayo xoojinta dimuqraadiyada Somaliland ku qabanayaan, isla markaana lagu martiqaadidoono xukuumadda iyo asxaabta Qaranka Somaliland,waxaanu sheegay inay doonayaan in ay Somaliland ka dhacaan doorashooyin xor oo xalaal ah.

Ugu dambayntii waxa halkaasi ka haddlay Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha Xisbiga waddani C/raxmaan wuxuun uga mahadceliyey Mr.Michael Thyge Poulsen,booqashada uu ku yimi xafiiska Xisbiga WADDANI,waxaanu Mr Cirro ka waramay socdaalkii uu ku tegay gobolka Tog-dheer dhawaan,halkaas oo ay ka socotay diiwaangelinta cod-bixiyayaashu waxaanu sheegay inay diiwaangelintaasi si habsi ah u socoto isla markaana uu ku faraxsanyahay sida ay hawshaasi u socoto,isagoo uga mahadceliyey waddamda ka taageera dhaqaalaha diiwaangelintaa lagu qabanayey Somaliland,waxaanu xusay inuu rajay-nayo inay guud ahaanba diiwaangelintaasu ku soo dhammaan doonto sidii loogu talogalay.