Kenya Oo Danjire Aamina Maxamed U Magacowday Tartanka Guddoomiyenimo Ee Komishanka Midawga Afrika

0
360

Kenya Oo Danjire Aamina Maxamed U Magacowday Tartanka Guddoomiyenimo Ee Komishanka Midawga Afrika

Nayroobi(WSN) Uhuru Kenyatta, madaxweynaha Kenya ayaa wasiirkiisa arrimaha dibada Ambasadoor Aamina Maxamed u magacaabay inay u tartanto guddoomiyenimada guddida midawga Afrika (AU Commission), kadib markii guddoomiyaha hore wakhtigii ka dhammaaday. Waxay loolan u gali doontaa booskaasi oo la buuxinayo horraanta sanadkan soo socda “Waxaan u arkaa in Aamina si fiican u shaqaysay, shaqada Komishankuna teedii tahay.Waxaan u magacaabay inay u tartanto guddoomiyaha Komishanka Midawga Afrika,” ayuu yidhi Madaxweyne Kenyatta.

Doorashada xubnaha Komishanka Madawga Afrika ayaa bishii Jully ee sanadkan waxaa lagu qabtay magaalada Kigalli ee waddanka Ruwanda, hase ahaatee waa la joojiyay kadib markii saddexdii tartamo ku guul daraysteen helista codka loo baahnaa oo ah saddex daloolow laba, waxaana 7 wareeg oo cod la qaaday kadib sidaasi lagu hakiyay doorashada. Dhawaan ayaa dib loo furay tartanka islamarkaana waddamada loo soo jeediyay inay ciddii buuxin lahayd hoggaanka guddida iyo sideeda Komishanneer ee kaleba ay soo dirsadaan.

Waxaa haatan guddoomiyaha Komishanka ah haweenay u dhalatay waddanka Koonfur Afrika oo lagu magacaabo Nkosazana Dlamini-Zuma, waxaanay hoggaaminaysay ilaa sanadkii 2012. Aamina Maxamed oo 29 sanno ka soo shaqaynaysay xafiisyada dawladda Kenya waxay soo noqotay danjiraha Kenya ee Qaramada Midoobay, sidoo kalena loo magacaabay kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, iyadoo sidoo kale ka qayb qaadatay shirar badan oo caalami ah.