Xildhibaan Nacnac “Cali Xaraarow Guulwadayntu Ceeb Maaha Ee Waa Ninka Dalkiisa Guul U Soo Hooya…”

0
402

Xildhibaan Nacnac “Cali Xaraarow Guulwadayntu Ceeb Maaha Ee Waa Ninka Dalkiisa Guul U Soo Hooya…”

Hargeysa(Warsugan)Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa si kulul uga jawaabay dacaayado loogu jeediyay barmaamijka Kaftanka Siyaasadda ee uu daadihiyo wariyaha ruug caddaaga ah ee Cali Xaraare. Waxa uu Mudane Nacnac sheegay inaanay guulwadayntu ceeb ahayn balse ay tahay qof waddankiisa wax u qabtay.
Wariye Cali Xaraare oo barmaajkiisu todobaadkii hal mar ka baxo telefishanka Kalsan, waxa uu sameeyay barmaamujyo ay ka mid yihiin tobanka qof ee ugu musuqmaasuqa badan Somaliland, tobanka dumar ah ee ugu musuqmaasuqa badan, kuwaasi oo uu dad uu isagu xushay ku soo qaatay, hase ahaatee Nacnac wuxuu safka hore ka galiyay liiska guulwadeyaasha, isagoo u jeeda inuu difaaca iyo ammaanta Kulmiye iyo xukumaddiisa safka hore ka yahay.

Xildhibaan Nacnac oo shalay saxaafadda kula hadlayay Hargeysa waxa uu arrintaasi ku tilmaamay cay lagula kacay “Nin dadka ka soo caaya Kanada oo yidhaahda qiimayn baanu samaynaynaa kolba uu toban qof soo qaato, Yaa u dirtay?Muxuu isagu qabtay? Hargeysa ayuu ku dhashay oo uu ku dhaqmaye wali ma is yidhi Waddankii aad ku dhalatay ee caruurtaadu joogtay soo arag?
Isagoo sii hadlaya waxa uu intaasi raaciyay “Waar hooy Cali Xaraarow iska daa waxan aad kolba Hebel baa guulwade ah leedahay, Guulwaduhu ceeb maaha ee ninka Guulwadaha ahi waa ninka Waddankiisa guul u soo hooya, waxaanu u soo haynay umaad soo hayn, waligaana u soo hayn maysid, markaa dadka cayda ka daa oo Waddanka kaalay oo waxaas war ha ka dhigan,” ayuu yidhi Mudane Nacnac

Ugu dambeyn wuxuu ku hanjabay in barmaamijyadiisa mar uun lagala xisaabtami doono Cali Xaraare “Tobanka ugu guulwadaysan, tobanka dumar ah ee ugu musuqmaasuqa badan, waar xishood, nin weyn baad tahaye xishood baanu ku leenahay, Waddankana kaalay, waa lagula xisaabtami doonaa, maalin maalmaha ka mid ah ayaa lagula xisaabtami doonaa,” ayuu yidhi mudane Nacnac.
Xigasho Wargeyska Warsugan