Lionel Messi iyo Barcelona oo bilaabaya wada hadalo kaddib kulanka El Clasico

0
466

waaxa qorey yaasir br

Lionel Messi iyo Barcelona ayaa lagu wadaa inay bilaabaan wada hadalo qandaraaska loogu kordhinayo kabtanka xulka Argentina kaddib kulanka El Clasico ee dhacaya 3-da December.

Heshiiska uu 29-jirka iminka kula jiro Barcelona ayaa waxa uu dhacayaa 2018, camaaliqada Spain ayaana dooneysa inay Messi ka saxiixato heshiis uu noloshiisa ugu hibeynayo kooxda

Warar ka imaanaya Spain ayaa iminka tibaaxaya in labada dhinac ay bilaabayaan wada hadalada heshiis kordhinta kaddib kulanka Sabtida ee El Clasico.

Jariiradda Sport ee ka soo baxda dalka Spain ayaa warineysa in madaxwaynaha Barca Josep Maria Bartomeu uu la hadlayo Messi aabihii kaa oo sidoo kale ah wakiilkiisa si laacibka loogu soo bandhigo heshiis noloshiisa ah kaddib kulanka Barcelona iyo Real Madrid.