Dhaqtarad Eva Carneiro oo sheegtay in dil loogu hanjabay markii ay ka tagtay Chelsea

0
323

waaxa qoreya yaasir br

Dhaqtaraddii hore ee ka tirsanayd kooxda caafimaadka Chelsea ayaa markii ay naadigaasi ka tagtay waxaa soo gaaray farriimo hanjabaad ah oo isugu jiray Dil iyo Kufsi sida ay u sheegtay Wargeyska maalinlaha ah ee Ingiriiska ka soo baxa ee ‘Telegraph’.

“Inkastoo aan saamayn ku lahayn baraha bulshada, waxaa i soo gaaray farriimmo isugu jiray hanjabaad kufsi iyo dhibaateyn ah iyo weliba hanjabaad dil la iigu goodinayo” ayay Carniero u sheegtay Telegraph.

“Iyaga, (Kuwa igu soo xadgudbay) waxay u muuqdaan fulayaal aan heybtooda la garanayn waxaana la xisaabtami doona garsoorka”.

Carniero oo 43 jir ah ayaa ka tagtay kooxda Chelsea Bishii September 2015 kaddib markii si guud dadka hortooda uu ugu cambaareeyay tababarihii Chelsea xilligaasi Jose Mourinho kaddib markii amar la’aan ay u gurmadeen ciyaaryahan Chelsea ah oo ay garoonka galeen taas oo ka careysiisay Mourinho oo si xun ugu hor canaantay taageerayaasha kulankii ay la ciyaarayeen Swansea City.

Horraantii sanadkan ayaa dacwad arrintaasi ku saabsan lagu soo oogay Mourinho, waxaana Carniero ay sheegtay in ay Takoor kala kulantay Mourinho taas oo uu tababaraha Bortuqiiskana cudur daar ka bixiyay.

Carniero oo xarun caafimaad ku leh magaallada London waxa ay xustay in ay aad uga xuntahay sida gabdhaha dhaqaatiirta ah looga takooray kubadda cagta iyadoo sheegtay in raggu ku awood badan yihiin aaggaasi.

https://youtu.be/ZY3NTClyDkI?t=21