Madaxweynaha Gambia oo ka hor yimid natiijadii doorashada dalkaasi ee uu horay u aqbalay

0
342

Madaxweynaha dalka Gambia Yahya Jammeh ayaa diiday oo ka noqday natiijada doorashada looga guuleystay ee uu horay u aqbalay taas oo isbuucii lasoo dhaafay ka dhacday dalkaasi.

Mar uu xalay ka hadlayay taleefishinka dalkaasi ayaa waxa uu sheegay in uusan aqbaleynin doorashadii ay guushu ku raacday musharrixii la tartamayay ee Adama Barrow, wuxuuna ku baaqay in dib loogu soo celiyo doorashadaasi hadii kale uu isagu kursiga kusii fadhiyi doono.

Mr. Yahya Jammeh ayaa xukunka dalka Gambia hayay muddo 22 sano ah, waxaana uu xukunka ku qabsaday qaab ciidan oo xoog ah sanadkii 1994-tii.