Madaxweynaha Nigeria Oo Soo Bandhigay Hantidiisa Gaarka ah iyo Noocyada Ay Ka Kooban Tahay

0
421

Madaxweynaha Nigeria Oo Soo Bandhigay Hantidiisa Gaarka ah iyo Noocyada Ay Ka Kooban Tahay

Abuja(Warsugannews)September-04-2015-Madaxweynaha dalka Nigeria, Muhamadu Buhari, ayaa shaaciyay hantidiisa gaarka ah si uu uga takhaluso musuqmaasuq dalkiisa la sheegay inuu ragaadiyay. Hantidiisa waxaa ka mid ah xoolo iyo beero amma meelo wax soo saar leh iyo saamiyo shirkadeed.

Afhayeenka Madaxweynaha Garba Shehu, ayaa sheegay in lacagta madaxweynaha ugu jirta akoownkiisa gaarka ah ay tahay boqol iyo konton kun oo dollar($150,000 (£100,000). Waxa uu sheegay in qadarkan lacageed muujinayso sida Mudane Buhari oo ahaa taliyihii hore ee Militariga iyo wasiirkii Badroolku ugu noolaa xaalad adag oo dhaqaale yaraan ah.

Hantida Madaxweynaha Nigeria
1. 5 guri iyo laba dargadood, sidoo kale beero;
2. Dhul beereed iyo beer weyn oo 270 lo’ahi joogto;
3. 25 Adhi(Ido) ah, 5 faras iyo shimbiro noocyo kala duwan ka kooban;
4. Saamiyada saddex shirkaddoo(Shirkaddo uu saami ku leeyahay);
5. Laba gaadhi oo uu dhigaalkiisa(Kayd) ka iibsaday iyo laba meelood oo uu dhul ku leeyahay.
Madaxweyne Mahamadu Buhari, waxaa ka hanti badan Madaxweyne xigeen Yemi Osinbajo, kaas oo Looyar iyo baadari ka ah Kiniisad kuwa Nigeria ugu weyn ka mid ah. Waxa uu afhayeenku sheegay in madaxweyne xigeenku haysto in ku dhaw hal milyan iyo badh doolar ($1.4m (£900,000) ,

Muhammadu Buhari oo ah mucaaradkii ugu horeeyay ee ku guulaystay madaxnimada Nigeria ayaa ololaha ku galay inuu soo bandhigi doono hantidiisa, islamarkaana siyaasiyiintu umadda u bandhigi doonaan dhaqaalaha ay haystaan, si loola dagaalamo musuqmaasuq siyaasiyiintu samayso.
Warsugannews

Warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here