Madaxweynaha Qaranka Somaliland ayaa Maanta Xarunta Xisbiga Kulmiye u tegay Diwaangelinta Xubinimada Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo lagu wado ka hor 10-11-2015 in la soo dhamaystiro Diwaangelinta Xubnaha.

0
560

Madaxweynaha Qaranka Somaliland ayaa Maanta Xarunta Xisbiga Kulmiye u tegay Diwaangelinta Xubinimada Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo lagu wado ka hor 10-11-2015 in la soo dhamaystiro Diwaangelinta Xubnaha.

Hargeysa(Warsugannews):- Gudoomiye ku xigeenka xisbiga kulmiye: “madaxweyne kursi’gaagii hore ayaan kugu soo dhawaynayaa, maahmaah ayaa ahayd xoorkii xagaagii laga dhamiyo xusuusbaa geela lagu xergeeyaa, adiga xusuus wanaagsanbay kuu tahay xubnahaaga iyo taageerayaashada xisbiga Kulmiye iyo dadka xisbiga ka tirsan ee halkan mudada dheer aad wada fadhideena xusuus gaarabay u tahay, waan kugu soo dhaweynaynaa aad iyo aad baad u mahadsantahay maantana inaad halkan noogu timid, xarunta waxaa ka socda barnaamijkii lagu sawiraayey ama lagu diyaarinayey xubnaha golaha dhexe warqadoodii aqoonsiga, aad iyo aad waxaad ugu mahadsantahay in aan adigoo xafiiskaaga aan laguugu iman, aad noo timaado adigoo socda, sidii xubnaha kale inaad kaadhkaaga soo doonato, kuna soo dhawoow hoolkii, kaadhka laga qaadanaayey waa kane, waana lagu xaadirinayaa sidii xubnaha kale loo xaadiriyey Madaxweyne.”

Gudoomiye Muuse biixi Cabdi:- “ Maanta waxaa farxadweyn inoo ah, madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ah xubinta koowaad ee golaha dhexe ee xisbiga kulmiye, uu maanta ka qaadanayo kaadhkii golaha dhexe ee shirka lagu galaayey, xafiiskii xisbiga, hal kalmad baan ku darayaa, maalmahan waxaa socday buuq idaacadaha iyo warbaahinta ay wadeen, xubno wasiiro ah oo iscasilay iyo dad kale oo raacayba ay ku anda-coonayeen, madaxweynahaa cid taageeray waliba aniga, halkan isagoo nadaxweynuhu ila jooga waxan ka cadaynayaa madaxweynuhu faq iyo fagaaraba aanu aniga wax eexashaa iyo garabtaabada iyo wax aan dadka kaga duwanahay oo iigaara in aanay midna jirin, waana kaa aanu madaxweynaha wada joogno, waxaa kale oo aan u sheegayaa in xisbigu yahay mid dimuquraadiya.
Xeerkiisa lagu dhaqmaayo, doorashada loo siman yahay, nin walba oo xisbiga golaha dhexe ahna uu tartami karo, hadii aanu nahay xisbigana madaxweyne waxaad naga kormeeraysaa maanta oo aad naga hubinaysa howsha socotaa inay tahay ‘transparent’ si siman dadka loogu siman yahay oon qofna xuquuqdiisa loogu diidin, taasaanu maanta diyaar ugu nahay inaad nagu kormeerto oo aad adigu indhahaaga ku hubiso, gudidii farsamada ee arrintaa wadayna Maxamed baa gudoomiye u ah, sida ay wax u wadaan baad imikana arki doontaa, waxaan saaxiibaday ugu baaqayaa inay nala eegaan, wax kasta oo ay tabanayaana madaxweyne diyaarbaanu u nahay inaanu kala fadhiisano.”

Madaxwenaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo: “ oo halkaasi ka hadlay ayaa ku bilaabay Alxamdulilaahi rabil caalamiin, farxad waynbay ii tahay maanta inaan xaruntii xisbiga kulmiye imaado, xisbigii qaranka weeyi, xisbigii dawlada weeyi, xisbigu waa xisbi dimuqraadiya dhexdiisana waa lagu tartamayaa, wasiiradii iscasilay iyo kuwa joogaba waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin, kuwa naga tagayna waxaan leeyahay illaahay meel khayrle ha idin mariyo, annagu hadaanu nahay xisbiga kulmiye iyo dawlada waxanu nahay dhexdhexaad waxaanu nahay dawladii qarankani doortay ee shacabka iyo ummaddu doorteenbaanu nahay, xisbi ummaddu u soo jeedo weeyi, maantana farxad weynbay ii tahay inaan halkan imaado kana qaato kaadhkii golaha dhexe, insha allahu tacaalaa, waxaan rajaynayaa in xisbigani kii guulaysto noqdo, kii ummadda hogaamiyo noqdo, aad iyo aadbaad u mahadsantihiin,”

Intaasi ka dib Madaxweynaha Qaranka Somaliland waxa uu iska diwana geliyey xarunta Xsibiga isaga oo laga qaaday Sawir Kura oo loogu samayn doono Kaadhka Aqoonsiga Xubinimo o ah kadhka koowaad ee liiska Xubninimadu dhigaayo, iyadoo halkaasi madaxweynaha si weyn loogu soo dhaweeyey, kuna sugnaayeen barxada hore ee xisbiga dadweyne aad u tiro badan oo luxaayey calanka Xisbiga Kulmiye kuna dhawaaqayey ereyo ay ka mid yihiin waa geesigii oon godob lahayn iyo Ereyo kale.
1

2

3

4

5

6

20151028_110630

20151028_110647

20151028_110829

20151028_110852

20151028_110950

20151028_111134

20151028_111154

20151028_111231

20151028_111249

DSC_0030

DSC_0031

DSC_0032

DSC_0034

DSC_0037

DSC_0040

DSC_0044

DSC_0047

DSC_0065

DSC_0074

DSC_0075

DSC_0085

DSC_0086

DSC_0097

DSC_0098

DSC_0104

DSC_0108
ALLAA MAHAD LEH

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here