Madaxweyne Siilaanyo Oo Helay Furrihii Ictiraaf Raadinta Somaliland: Qalinkii: Khadar Cabdiraxmaan‏

0
329

Madaxweyne Siilaanyo Oo Helay Furrihii Ictiraaf Raadinta Somaliland: Qalinkii: Khadar Cabdiraxmaan‏
Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo todobaadkan gudihiisa ku dhawaaqay magacaabista guddi ka shaqayn doonta arrimaha ictiraaf raadinta ee Somaliland waxay noqotay arrin soo jiidasho leh, isl amarkaana ay bulshadda Somaliland si weyn u hadal hayso, waana arrin uu asiibay oo xulay dad mansab iyo miisaan ku leh bulshada caalamka dhexdeeda.

Mudane, Madaxweyne Axmed Siilaanyo waa hogaamiye dul iyo dulqaad u leh hogaaminta siyaasadda, waxaanan qabaa mar haddii uu maanta isu keenay mucaarid iyo muxaafid oo uu guddi ku kulmiyey inuu yahay madaxweyne u jihaystay ka midho dhalinta masiirka reer Somaliland ee ah inay bulshadda caalamka ka helaan ictiraaf dawladnimo.

Guddi waxgarad, aqoonyahan, ehlu siyaasad ayaa loo xulay inay albaab kasta garaacan oo ay bulshadda caalamka ka dhaadhiciyaan sidii Somaliland u heli lahayd aqoonsi buuxa, kaas oo ay xaq u leedahay marka loo eego shuruudaha ay buuxisay ee xaga nabad galyadda iyo horumarka dimuquraadiyadda oo biyo dhigtay Somaliland.

Guddidaas waxaan u soo jeedin lahaa inay xilkooda u gutaan sida ugu haboon, isla markaana uga soo baxaan masuuliyadda la saaray ee ah inay aduunka u iib geeyaan jiritaanka Somaliland, waanan ku kalsoonahay inay ka soo bixi doonaan idimka Eebe.

Xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo waxaa ka go’an inay geed dheer iyo mid gaaban u korto sidii qarankani u horumari lahaa, loona gaadhsiin lahaa heer uu isku filnaando, waana qodobka kowaad ee uu xooga saaray madaxweyne Axmed Siilaanyo mudadii yarad ee uu xilka hayey, mana noqon doono dadaalkiisu mid u intaas ku eekaadaa ee waa uu sii jiri doonaa inta uu nool yahay Idim Eebe.

Somaliland oo ictiraaf hesha waa guul u soo wada hooyatay guud ahaan qaranka Somaliland, guddigana waxaa iiga muuqda bisayl siyaasadeed mar haddii mucaarad iyo muxaafid loo wada idlaaday in laga qayb qaato helitaanka aqoonsiga, waana mid lagu amaani doono laguna xasuusan doono madaxweynaha wadanka hogaamiya mudane, Axmed Siilaanyo.

Shacabkayga Somaliland waxaan leeyahay waxaynu dhabaha saarnay dariiq qaran ku horumari karo ee yaan laga hadhin, qof kastaa hareerta ha qabsado oo hadhuubkiisa ha hibeeyo.

W/q: Khadar Cabdiraxmaan

Khadarc16@gmail.com