“Madaxweyne Wanaagsan-baan La Shaqaynayey Madaxweyne I Aaminay, Madaxweyne I Dhisay, Madaxweyne I Barbartaagnaa-baan La Shaqayneyey Walina Waan Jecelahay” Hogaamiye Xirsi”Madaxweyne Wanaagsan-baan La Shaqaynayey Madaxweyne I Aaminay, Madaxweyne I Dhisay, Madaxweyne I Barbartaagnaa-baan La Shaqayneyey Walina Waan Jecelahay” Hogaamiye Xirsi

0
455

“Madaxweyne Wanaagsan-baan La Shaqaynayey Madaxweyne I Aaminay, Madaxweyne I Dhisay, Madaxweyne I Barbartaagnaa-baan La Shaqayneyey Walina Waan Jecelahay” Hogaamiye Xirsi

Hargeysa(Warsugan) Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Khudbad ka jeediyey madashii lagu soo dhawaynaayey Xubinii Isbahaysiga Dimuqraadiyad doonka Xisbiga Kulmiye ee kusoo biiray Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani , hogaamiye xirsi ayaa waxa uu ka hadlay arrimo badan oo ay mid tahay ku biiritaanka xisbiga mucaaridkaa ee wadani
Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ugu horaynba hadalkisa ku bilaabay ” Ilaahay (SWT) waxaan ku mahadinayaa inuu xafladan qiimaha badan leh inoogu qabtay iyadoo aan dhibi ina gaadhin iyadoo aynu ugu nimi tiradii ugu badnayd ee ku kulanta ee hoolkaa Maansoor la yaqaano uu ka buuxsamo, ninkastaaba haysku dayo inuu xag xagto ama dhibaato isku dayo laakiin se Tigaadi iyadaa hilaacda, meesha ay ka jirto tigaadu ama barwaaqadu uma baahna sharaxaad ee iyadaa hilaacda oo muuqata, taageerayaashaayda xisbiga wadani iyo xoogiisa iyo quwadiisa”

Xirsi Cali Xaaji Xasan Wasiir hore ee Madaxtooyadda ayaa sidoo kale sharaxaad dheer ka bixiyey sababaha ay ku doorteen iany Waddani kusoo biiriyaan cududooda taageero ” Waxaan la qabaa saaxiibadaydii Isbahaysiga ama halkan ka hadlay intii ay yidhaahdeen baan dhammaantood la qabaa, waxaa laga yaabaa in lays waydiiyo Waddani maxaad u timaadeen? Waxaanu u nimi Waddani waxaan uga tagnay Kulmiye waa la sheegay marar badana waanu sharaxnay , Waxaanu Waddani u nimi inaanu ku bad baadino qaranka oo aan ka badbaadino hogaan xumo waxaanu doonaynaa Dadka Somaliland inaan ka saarno u hogaansanka ashkhaasta waxaan rabnaa inay u hogaansamaan sharciga, waxaan rabnaa dadka somaliland inaanu ka saarno qoqobnaanta qabyaalada, waxaan rabnaa inaan uga saarno isku duubnida bulshada waxaanu doonaynaa dadak somaliland inaan ka saarno is xulafaysiga danaystayaasha waxaanu rabnaa is garabsiga aqoonta iyo aragtida siyaasiga ee ku shisan daryeelka bulsho walaalo ah oo isku qiimeeya wanaaga kartida iyo aqoonta”

Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in dadku is waydiin karaan Isbahaysiga wuxuuna yidhi ” Waxaa runtii laga yaabaa inad is waydiiso Isbahaysiga waxaan abwaankii weynaa ee caanka ahaa hadalkiisa ka xiganayaa, abkuu doono ha sheegtee waxunbaa ehel ii ah dad ninkaan af aqaano ee si wax iila arkaaya ee na midayso ujeedo” Hogaamiye Xirsi ayaa sheegay inay qaranka dhisayaan oo ujeedadoodu tahay sidii qaranka laysugu xidhi lahaa “Waxaa laga yaabaa saaxiibo badan iyo badan oo dhiiga wadaagno inay yidhaahdan waar jeegaantii maxaad u burburisay? Waar Jeegaantii burburin mayno waanu kordhinaynaayo Giraan baanu ka dhigaynaa ujeedadayadu waa inaan qaranka isku xidhno”

Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda ayaa saamayntiisa ku sifeeyey iany sabab u ahayd la shaqayntii Madaxweyne Siilaanyo mudadii uu wasiirka ahaa isagoo daboolka ka qaaday inuu Madaxweynaha jecelyahay waxaana hadaladiisii ka mid ahaa sidan ” Waxaan se la shaqaynayey oo sababay in caynkaa lay yidhaahdo Madaxweyne wanaagsan baan la shaqaynayey Madaxweyne i aaminay Madaxweyne i dhisay Madaxweyne i barbartaagnaa baan la shaqayneyey walina waan jecelahay, maaha inaan necebahay Waddani hadaan imi , waxaanan leeyahay kuwa laga yaabo inay i waydiiyaan waar Madaxweynahaa waad ammaanaysa iyo Xukuumadii aad ka timi mucaaridnimada waad doonaysaa , Waar Madaxweynuhu waa xanjada qaranka isu haysa Madaxweynuhu waa calaamadii qaranka astaamaha qarankuu Madaxeynuhu ka mid yahay”

Ugu Danbayntiina Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka mahad celiyey sida ay usoo dhaweeyeen Xisbiga Waddani islamarkaana ay u danaynayeen isbahaysigooda, sidoo kalena waxa uu is barbar dhig ku sameeyey hogaaminta labada gudoomiye ee Waddani iyo Kulmye ” Waxaan aad iyo aad runtii ugu kalsoonahay inaad ahaydeen xisbi qiimo leh waan arkaynay sidii nooloo qiimaynayey intaas oo jeer noolooga dabi yimi sannadkaa aanu banaanka joognay waxa aan gudoomiyaha u qirayaa inuu yahay , waxaan xasuustaa ilaa lix jeer wax ku dhaw ayuu albaabkayga soo garaacay oo uu ii yimi oo uu muujiyey inuu i danaynayo , saaxiibadayna nin aanu isla taagin aanu ku jirin nasiib daro xisbigii Kulmiye aan ka tirsanaa ninkii musharaxa loo afduubay ee sida khaldan loogu cimaamaday xataa iskumuu dayin waar bal inay ku yeelaan ka daba tagoo waxaad tidhaahdaa ilmaderayaal i dhisa , wuxuu islahaa malaa waa lasoo afduubayaa reer hebel baa afduubaya cidina cid ma aftuubto waa dal xor ah tii shalay waa laga tagay is afduubkii iyo qabyaaladii, qaranku inuu ku doorto aragtida iyo aqoonta siyaasadeed ee qof ku leeyahay ayuu insha allaahu tacaalaa gaadhi doonaa”

Xigasho Wargeyska Warsugan