Siyaasiyiin Ka Tarsan Xisbiga WADDANI Oo La Baxay Garabka Toosinta iyo Arrimaha Ay Saluugeen

0
436

Siyaasiyiin Ka Tarsan Xisbiga WADDANI Oo La Baxay Garabka Toosinta iyo Arrimaha Ay Saluugeen

Hargeysa(Warsugan) Siyaasiyiin ka mid ah xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay inay saluugeen hab maamulka xisbigaasi, kadib markii xisbigaasi dhawaan magacaabay xilal la siiyay siyaasiyiin ku soo biiray. Xubnahan la baxay toosinta xisbiga Waddani ayaa dhalliishoodu imanaysaa iyadoo shalay xisbigaasi munaasibad ku qaabilay siyaasiyiinta isbahaysiga Kulmiye la baxay ee hore isaga casilay xukumadda.

Xoghayaha arrimaha bulshada xisbiga Waddani Hinda Jaamac Xirsi, Cabdillaahi Axmed Cali, guddoomiyaha Ustareeliya ee Waddani iyo Cali Khadar Xasan(Cali Kubad) ayaa sheegay in hoggaanka xisbiga Waddani baalmaray la tashiga xubnaha xisbiga, sidaasi darteedna dad badan oo ay ka mid yihiin go’aansadeen aasaasidda garabka Toosinta xisbiga Waddani. Waxay baaq u direen taageerayaashooda oo ay u soo jeediyeen inay ka fiirsadaan hab maamulka xisbigaasi.
“Iyadoo imika ay kala maqan yihiin siyaasiyiintii garabka toosinta xisbiga Waddani, waxaanu mar walba ku soconaynaa talo wadaag, waxaanu shaacinaynaa inaanu qaadacnay habsami ula shaqaynta xisbiga Waddani. Taageerayaashayada, siyaasiyiinta gudaha iyo dibada ee nala mawqifka ah, waxaanu hadda kadib ku shaqayn doonaa hab toosin iyo dumuqraadiyadaynta xisbiga Waddani,” ayay tidhi Hinda Gaani.

Sidoo kalena waxa sababta ay u diideen talada Waddani sharaxay Cali khaddar oo ka mid ah siyaasiyiinta Waddani“Xisbiga Waddani kamaanu bixin, ka mid baanu nahay, waxay se naga tahay toosin. Talada waa la wada leeyahay, waxaanu xisbiga u joognaa dimuqraadiyadda, talo wadaag iyo xeerka in la ilaaliyo. Xisbiyadu xeerar bay leeyihiin, xeer qaran oo xisbiyada ilaaliya ayaa jira, markaa waxaan Kulmiye uga soo cararay waa nin qori qori u dhiibaya oo aan la wada tashanayn oo reero wada yeesheen. Waxaanu leenahay qori isku dhiibka ha laga daayo, dadka la iska magacaabayo ha la daayo, sharciga ha lagu soo dabaalo, sababtoo ah waa xisbi aanu jecelahay oo wakhti badan iyo tacab naga galay,” ayuu yidhi Cali Kubad

Xigasho Wargeyska Warsugan