Beeralayda Beeyada iyo Maamulka Gobolka Sanaag Oo Ka Wada Hadlay Muran Ka Taagan Ganacsiga Beeyada

0
917

Beeralayda Beeyada iyo Maamulka Gobolka Sanaag Oo Ka Wada Hadlay Muran Ka Taagan Ganacsiga Beeyada

Ceerigaabo(Warsugan) Masuuliyiinta gobolka Sanaag, ayaa kulan la yeeshay mulkiile-yaasha beeraha Dhirta qaaliga ah ee gobolkaasi Alle ku galladay, kadib markii shirkaddaha ka ganacsada Xabagta dhirtaasi muran kala dhexgalay. Kulanka oo aan saxaafadda loo ogolayn markii uu dhammaaday waxaa saxaafadda u waramay beeralayda, kuwaasi oo sheegay in laga wada hadlay arrimaha khilaafku ka taagan yahay oo ah shirkaddaha xaqa u leh in laga iibiyo wax soo saarka beeraha.

Mulkiileyaasha beeraha ayaa sheegay in la isla fahmay sidii aanay sharci darro ugu shaqayn lahayn shirkaddaha laga iibiyo wax soo saarka beeraha“Kulanku wuxuu ahaa; is xog waraysi, wax isu sheegid, iyo talo soo jeedin, waxaanu u dhacay si wanaagsan. Waxaa laga wada hadlayay sidii shirkaddaha cusub ee gobolka imanayaa u soo mari lahaayeen maamulka gobolka iyo dadka waayeelka ah, haddii aanay iyagu u ogolaan waxay qabanayaana aanay tallaabo qaadin,” ayaa ka mid ahaa hadalka beeralayda.
Waxa kale oo ay sheegeen inaan loo baahnayn shirkado la macaamila cid aan ahayn maamulka iyo waxgaradka gobolka Sanaag, maaddaama dhirta qiimaha badan ka baxdo gobolkaasi “ Beeyadu waxay ka baxdaa gobolka Sanaag. Waxaanu nahay dad ganacsato ah, oo dhirtaa xabagta ka baxda cid kasta waanu ka iibinaynaa. Waxaanu ka iibinaynaa ka noogu lacagta badan ee hadba wax ku dara ee ugu sarreeya, waa ganacsi oo anagaa u baahan laakiin, waxaanu diidanahay nimankaas ciddii Beenyada caawin lahayd Hargeysa u fadhiistay, ee jid goynta u galay, ee iyagu isku sawiray, ee yidhi anagaa leh, ee iyagu dabada kaga lifaaqan,” ayay yidhaahdeen beeralaydu.

Mulkiileyaasha Beenyada ayaa sheegay in shirkaddaha iibsada Beenya dad gaar ahi ku loohan yihiin, islamarkaana iska dhigayaan kuwo metela gobolka Sanaag “Beenyadu waxay ka baxdaa gobolka Sanaag, Awdal-na kama baxdo, Hargeysa kama baxdo, Burco-na kama baxdo ee waxay ka baxdaa gobolka Sanaag sidaasi darteed wax allaale wixii mashruuc Beenyada lagaga hadlayo waxaa xaq u leh gobolka Sanaag. Ciddii aan halkan iman ee aan talo na waydiin, ee aan dadkan wax la qaybsan nama metesho waxbana nalama leh,” ayaaa ka mid ahaa hadalka Beeralayda.

Beeralayda ayaa sheegay in shirkadda Asli Maydi oo sanadkii 2014 ka hawl gashay gobolkaasi wax weyn ka qabatay wax soo saarka xabagta Beeyada, islamarkaana ay tahay ta kaliya ee xaq u leh ganacsigeeda. Waxay dhalliileen shirkaddo kale oo ay tilmaameen inay ballamo kaga baxeen.

Xigasho Wargeyska Warsugan