Mareykanka oo laba-jibaaray lacagtii dulsaarneyd madaxa hoggaamiyaha ISIS Abu Bakr al-Baghdadi iyo xubno kale

0
370

Dowladda Mareykanka ayaa labajibaartay lacagtii dulsaarneyd madaxa hoggaamiyaha ururka ISIS Abu Bakr al-Baghdadi kaas oo markii hore ahaa 10 milyan oo dollar, iminkana la gaarsiiyay 25 milyan oo dollar.

Lacagtan cusub ee la dulsaaray madaxa Albaghdadi ayaa la mid ah tan dulsaaran madaxa hoggaamiyaha ururka Al-Qacida Ayman al-Zawahri.

Sidoo kale waxaa lacag la dul dhigay madaxooda labo xubnood oo cusub islamarkaana ISIS ka tirsan kuwaas oo kala ah Gulmurod Khalimov, ($3m) iyo Abu-Muhammad al-Shimali oo isna la dul dhigay ($5m).

Albaghdadi ayaa la rumeysan yahay in uu ku sugan yahay magaalada Mosul oo ah dowladda Ciraaq iyo xulufadeedu  weerar xooggan ku hayaan si ay ula wareegaan.