Doorashadii Aqalka hoose somali land ee ka socotay Muqdisho oo la hakiyey

0
421

MUQDISHO – Guddiga Doorashooyinka dadban ayaa ku dhawaaqay in la hakiyey doorashada xubnaha Aqalka hoose u matalaya gobollada Waqooyi ee ka socotay magaalada Muqdisho.

Barta Twitterka oo lagu daabacay warkan ayaa lagu sheegay in la joojiyey doorashada wakiilada beelaha Somaliland ee ka socotay Muqdisho.

Guddiga ayaa sababta ku sheegay in ay tahay in khilaaf ka jiro qaar kamid ah Ergooyinka loogu talagalay in ay soo doortaan xubnaha ka imaanaya gobolada Waqooyi.