Masuul Iska Casilay Xubinnimaddii Xisbiga Waddani “Anniga Iyo Taageerayaashaydu Waxaannu Ku Biiraynaa Xisbiga UCID…” Caaqil Cabdi Guuleed

0
442

Masuul Iska Casilay Xubinnimaddii Xisbiga Waddani
“Anniga Iyo Taageerayaashaydu Waxaannu Ku Biiraynaa Xisbiga UCID…” Caaqil Cabdi Guuleed

Hargeysa 28 September (Warsugan)- Jiif Caaqil Cabdi Guuleed oo ah mid ahaa aas-aasayaasha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa shaaciyay inuu iska casilay Xoghayihii Hiddaha iyo dhaqanka iyo xubinnimaddii Xisbiga Waddani. Islamarkaan wuxuu sheegay in isaga iyo taageerayaashiisu u digan-rogan doonnaan Xisbiga Mucaaridka ah Ee UCID.

Caaqilku wuxuu is-casilaadiisa ku sababeeyey inuu tallo iyo tusaale ku yeellan waayay ka sii mid noqoshadda xisbiga Waddani.
Caaqilku wuxuu siddaa ku sheegay mar uu shalay la hadlay Telefishinka Saab, waxaannu yidhi isagoo arrimaha ka hadlaya ”Waxaan ka mid ahaa ama aan ka tirsannaa ilaa aas-aasayaashiisii Xisbiga Waddani oo waxaan ka ahaa xubni, oo waxaan ku jiray Golihiisa dhexe oo waxaan ahaa Xoghayaha Hiddaha iyo Dhaqanka. Waxaan halkan ka caddaynayaa in dhammaan wixii aan xil u hayay Xisbiga Waddani Iska casilay, waxaanan u diga-rogtay Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo aannu anniga iyo taageerayaashadduba ku biiri doonno.”Ayuu yidhi Caaqil Cabdi Guuleed
Caaqilku wuxuu sheegay in is-casilaadiisu soo jiitaysay muddooyinkii u dambeeyey “Iscasiladda aan Maanta (Shalay) is-casilay waa mid soo jiitamaysay mudda-baa, waxaan ahaa nin wayn oo xisbiga wax ka aas-aasay oo meeshanna haddii aad tallo ku yeelan wayddo iyo tusmadda aad ku lahayd sii jooggi maysid . Marka in aan naftayda lugooyo oo aan haddanna marlabaad sii fadhiisto Gole dhexe oo Burco ka dhacaaya waan iska diiday-taa.”Ayuu sii raaciyay hadalkiisii Jiif Caaqil

Wargeyska Warsugan Media Group
Hargeysa/Somaliland