telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Maxaa ka Khaldan Doodaha xisbiga WADDANI? WQ: Maxamed Daahir Axmed

Maxaa ka Khaldan Doodaha xisbiga WADDANI?

WQ: Maxamed Daahir Axmed

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani waxa uu inta badan sheegaa doodo amba qodoba su’aalo dhaliya inta badana iska horimanaya, waxaana ka mid ah:

1. Xisbiga Waddani waxa uu ku doodaa in uu isbeddel samaynayo, balse su’aasha iswaydiinta leh waxa weeye arrimahan uu leeyahay isbeddel ayaan ku samaynayaa amba waan saxayaa xisbi ahaan isagu marka hore dibada ma ka joogay? Jawaabtu waa maya, Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee wakhtiga xaadirkan ahna murrashaxa xisbiga Waddani waxa uu ahaa Gudoomiyaha golaha Sharci Dejinta oo ka mid ah saddexda dhadhaar ee dawladeenu ka kooban tahay (Sharci Dejinta, Fulinta iyo Garsoorka). 12 sanno ee u dambeeyay Murrashax xisbiga Waddani Mudane Cirro waxa uu ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo ah golaha laga curiyo shuruucda laf dhabarta u ah horumarka iyo dawladnimada Somaliland, golahaasi Cirro waxa uu ka dhigay gole laga dukaamaysto (Shopping Center) oo ay ka tukaamaystaan danahoogana ka dhamaystaan kolba cidii dan ka lehi, isagoo Cirro dano shakhsi iyo dano siyaasadeed ku badashay waajibkii ka saaraa in uu ka guto mooshinada iyo sharciyada golaha la hor keeno. Waxa kale oo uu ka gaabsaday inuu goluhu xakameeyo golaha fulinta ee dawladeena, balse waxa uu isku furay labadii waaxood, waxay dadka arrimaha golaha la socdaa ay sheegeen in si khaldan loo maamulo miisaaniyada golaha iyo hantida kale ee goluhu leeyahay. Safarrada dibada uu ugu baxo Cirro waxa ay la xidhiidhaan danaha gaarka ah ee xisbigiisa Waddani (Conflict of interest) isagoo huwan shaadhkii Golaha Wakiillada.

2. Dhadhaarka Fulinta ragii ugu tunka waynaa lixdii Sanno ee u danbeeyay ayaa maanta safka hore ee xisbiga Wadani soo fadhiya; sida Xirsi, Cabdirasaaq Khaliif, Geedoole, Maxamed biixi yonis iyo Duur oo kala haystay wasaaradaha awoodda iyo dhaqaalaha badan ee Madaxtooyada, Arrimaha gudaha, Arrimaha Dibadda, Hawlaha guud iyo Waxbarashada. Raggaasi maanta miyaanay ku khaladanayn doodda odhanaysa wax baanu saxaynaa amba beddelaynaa, maxaa waxaad imika leedahay waan sixi doonaa markii aad midida daabkeeda haysay u beddeli wayday, ma naf cusub ayaa ku soo gashay? Maxaa isbeddelay? Isla adigii uun maadan ahayn ee ku can-baxay musuqa, eexda, isku dirka dadka walaalaha ah, xadhiga dumarka, xadhigga saxaafadda, sharci-jabinta, ku tagrifalka awoodda iyo Iwm.

3. Waddani waxa kale oo uu meelaha ka sheegaa ictiraaf ayaanu keenaynaa, Maxamed Biixi Yoonis waa kii Wasiirka Arrimaha Dibadda ahaaye muxuu markaa aqoonsi u keeni waayay. Ta kale iskaa daa xisbiga Wadani aqoonsi uu keeno, balse waxa looga cabsi qabaa inuu ku shaqaynayo mabda’ Soomaliwayn iyadoo ay ku jiraan rag xilal waawayn ka soo qabtay dawlada Xamar ka dhisan.Ta kale ururka Damul-jadiid ee kooxda Xirsi, Duur iyo Cabdirasaaq khaliif ka tirsan yihiin ma aaminsana mabda’a gooni isutaaga Somaliland, balse ururkooga waxa saldhig u ah mabda’ ah Soomaliwayn.

4. Murrashaxa Wadani waxa uu ku doodaa arrimaha dhalinyarada ayaan waxa ka qabanayaa. Murashaxa Xisbiga Wadani, wakhtigii dawladdii kalitaliska ahayd ay dhallinyartii wakhtigaa jirtay xasuuqaysay kamuu hadal, kama dhiidhiyin, balse dawladdii wakhtigaa jirtay ayuu u shaqaynayay siyaasadeedana la dhacsanaa. Su’aasha muhimka ahi waxa weeye qiimaha dhalinyarada wakhtigaasi jirtay iyo qiimaha dhalinyarada maantu miyaanu isku mid ahayn? Jawaabta waxa weeyi waa isku mid dadkuna waa dadkii ee dad kale ma aha, Cabdiraxman Cirrona waa shakhsigii uun. Ta kale Murashaxa Wadani caruurtiisu Finland ayay ku nool yihiin waxna ku bartaan, waxana daraasado badan oo arrimaha bulshada laga sameeyay ay sheegayaan inta badan quluubta waalidiintu waxa ay ku xidhan yihiin halka caruurtoodu joogta, iyagoo xiiseeya heerarka waxbarashada, caafimaadka, amniga iyo dhaqanka ee wadanka caruutoodu ku nooshahay. Sidaa daraadeed dooda odhanaysa Mudane Cirro ayaa u damqanaya dhalinyarada Somaliland waa dood madhan.

5. Xisbiga Waddani waxa uu ku doodaa amniga ayaanu sii xoojinaynaa balse sida ay xaqiiqadu tahay iyaga ayaa amniga looga baqayaa wax ay ka qabtaan iska daaye. Marka ugu horaysa Murashaxoogu waxba kama yaqaano arrimaha amniga, khibradna uma laha, waligii kama soo qayb galin shirarkii isdaba jooga ahaa ee wadanka ka qabsoomay sida Shirkii Borama, Shiekh, Hargeisa iyo Burco. Ta kale waxa ka mid ah xisbiga Wadani ragii gawaadhida kurka ka jaray wakhtigii ina Rayaale iyo waliba kuwii Wasaarada Arrimaha Gudaha ku fashilmay iyo xalinta shaqaaqooyinka. Si gaar ah waxa Wadani uga tirsan wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee amray in taageerayaashii Xaqsoor xabad nool lala dhaco.

6. Iyagoo xisbiga Waddani isbarbardhig ku sameeya arrimo aan la isbarbardhigi karin, tusaale ahaan waxa ay isbarbardhig ku sameeyaan wasiiradii danta qaranka aawadii isaga casilay dawladii Cabdiraxman tuur iyo kuwii sanad ka hor iskaga casilay xukuumada imika jirta dano gaar ah aawadeed. Masuuliyintii wakhtigaa dawladii Cabdiraxman Tuur (IHN), iska casily sida ay taariikhdu xusayso waxa ay oga tageen xilkoogii, iyagoo ku qancay in dawladii wakhtigaa jirtay aanay daacad u ahayn gooni isutaaga Jamhuuriyada Somaliland, kadib markii Ismaaciil Hurre Buuba oo wakhtigaa ahaa Wasiirka maaliyada uu qorshayaal Somaliawayn ku lug leh ka soo waariday Mogdisho, Hargesana keenay. Ta kale, wasiiradii wakhtigaa iscasilay iska daa lacago akoona ugu jira iyo guryo waawayn oo ay dhistaane, xafiisyo ay fadhiistaanba may lahayn, halka qoladii dhawaan is casishay ay wada fadhiyeen xafiisyo qaboojiyayaal leh, gawaadhi qaali, maaliyin dollar oo akoonada ugu jirtay, guryo aan la tiro koobi karin iyo waliba shirkado qanacsi oo haddii loo baahdo aan soo qori karo magacooga iyo meesha ay ku yaaliin. Ta kale raggii wakhtigaa hore isu casilay danta qaranka iyo hirgalinta gooni isutaaga Jamhuriyada Somaliland, intooda badan waxay ahaayeen rag dalka u soo halgamay oo Allaha u naxaristee Madaxwaynihii wakhtigaa jiray Mudane Cabdiraxman Tuur abaal gaar ah ugu hayn xilalkuu u dhiibay oo aan ka ahayn in ay ummadooda u adeegaan, balse qoladan dhawaan is casishay waxa ku jiray wiilka is cajabiyay ee Madaxwayne Siillanyo ku aaminay xil aannu qaadi karin iyo koox uu dawlada ka dhex samaystay oo sidiisoo kale shirkado iyo hay’ado qaxoontiga ka soo galay siyaasada, kuwaasi oo abaal wayn Siilaanyo ku lahaa wax ka dhigistooda ayna ahayd in ay ku ixtiraamaan. Ta kale Madaxwayne Siilaanyo distoorka iyo danta qaranka midna waxba umuu dhimin, balse markii ay arkeen in aanay sii socon karin sad bursigii awoodeed iyo dhaqaale ee ay ku qabaan boosaska ay joogaan, kana baqeen in goor aan dheerayn isbadal ku iman karo xilalkooga ayey carareen, Madaxwaynihii saaxda siyaaasada keenayna ku abaal fureen. Sidaa daraadeed doodda Waddani ee isbarbardhiga labadan dhacdo waa dood jilicsan oo galdaloolooyin badan leh.

7. Waddani waxa uu ku doodaa in Murrashaxa xisbiga KULMIYE uu kaliya saaxadda la yimaado inuu mujaahid soo halgamay yahay. Horta marka hore shaki kuma jiro in qolyaha Waddani ay necebyihiin taariikhda halgankii la soo maray ee aannu ka tirsanayn Guddoomiyahooga Mudane Cabdiraxman Cirro, marka taa laga tago doodda Waddani sax maaha marka ay leeyihiin Muuse Biixi Cabdi taariikhda halganka mooyee taariikh kale ma laha, horta runta marka laga hadlayo Muuse Biixi Cabdi waa aqoonyahan soo maray silsiladda waxbarashada dugsi hoose, dhexe iyo sarre, waxbarashadiisii jaamacadeedna ku soo qaatay kulliyadaha Ciidanka Cirka ee labadii quwadood ee wakhtigaa adduunka ugu awoodda waynaa ee Midowgii Soofiyeedka iyo Maraykanka.

Waxa xusid mudan, in Muuse Biixi Cabdi ka sakow halgankii xoraynta dalka ka soo qaybqaatay dib u dhiskii dalka iyo dib u heshiisiinta dadka reer Somaliland, wuxuu soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha oo waxqabadkii uu ka sameeyey hubka dhigista la ogyahay, wuxuu ahaa Guddoomiyihii shirkii SNM talada dalka ku wareejisay ee Balligubadle, dhamaana kasoo wada qaybqaatay shirarkii dib u heshiisiinta ee dalka, ururro badan oo siyaasadeedna dhidibada u taagay sida urur siyaasadeedkii Sahan, xisbiga Kulmiye ee uu hadda Guddoomiyaha iyo Murrashaxa ka yahay iyo waliba qaar kaloo badan. Inta uu hoggaamiye shicib ah ahaa iyo inta uu ahaa hoggaamiya ciidan ahaa waxa laba jeer ka badan inta uu ahaa hoggaamiye siyaasadeed shicib ah oo hab madani ah wax u hoggaamiye. Waxa iyana xusid mudan inuu cilmiga nabadda iyo xallinta khilaafaadka shahaado sare ku sameeyay, lana odhan karo waa xeel dheere ku xeel dheer dhaqanka Soomaalida iyo garnaqoogaba (Local conflict resolution skills).

Dib ugu noqonmaayo, waataan hore uga hadlay doodda Damul-jadiid ee odhanaysa qof cilmi ciidan leh dal ma hoggaamin karo, anigoo tusaale u soo qaatay hoggaamiyayaashii aqoonta ciidanka lahaa ee guulaha waawayn siyaasadda ka gaadhay sida Dwight D. Eisenhower oo laba jeer madaxwayne ka noqday dalka Maraykanka, ahaana hoggaamiyihii guusha ka keenay dagaal waynihii labaad ee adduunka, isagoo ahaa hoggaamiyihii ciidankii isbahaysiga (Supreme commendar of the allied forces).

8. Ragga Waddani ka tirsan sida Maxamed Biixi Yoonis ayaa ku doodda khibrad iyo aqoon ayaanu dalka keenay, khibradda iyo aqoonta ku tusiwayday khiyaamada Xirsi, maxaynu mudane ku micnaynaa? Ta kale taariikhdu isma qariso, Maxamed Biixi Yoonis iyo Muuse Biixi waxa ay waxbarasho kaga wada jireen dalka Maraykanka dhawr iyo sideetankii,1985 markii ay waxbarshadii dhamaysteen Muuse Biixi Cabdi waxa u ku soo noqday Afrika isagoo hore ka galay halgankii. Haddaba, sida ay runtu tahay maalintaasi ayey kala doorteen qaab nololeedkooga labada ilma Biixi, halka midi ka doortay in uu danihiisa gaarka ah daryeelo, ka kalena uu doortay inuu daryeelo danta guud ee dalkiisa iyo ummaddiisa.

Dalku waxa uu baahan yahay laf jabkii ay ku rideen Xirsi, Duur, Cirro iyo Wadaad Cabdirasaaq khaliif in laga badbaadiyo, iyagaa Sharci Dejintii iyo Fulintii si wadajir ah u kufsaday, ugana faa’iidaystay awoodihii qaranka in ay hantida dalka boobaan,umada isku diraan, qabyaaladda koriyaan, dalalka jaarka iyo Somaliland madax isku galiyay. Sidaa daraadeed dalku waxa uu u baahan yahay ciddii ka badbaadin lahayd Cirro iyo kooxdaasi, cidaasina aniga sida ay ila tahay waa Muuse Biixi Cabdi, inkastoo uu ahaa Guddoomiyaha Xisbal-xaakimka, haddana xukuumada Somaliland sida aad la wada socotaan waxay u afduubnayd kooxdaa Xirsi horboodayo oo xilligaa waxay ka dhageystaan Guddoomiye Muuse iska daaye isaga ayey dagaal kula jireen.

WQ: Maxamed Daahir Axmed

652 total views, 2 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins