Maxamed Cismaan Jawaari oo ku guuleystay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka federaalka

0
354

Wararka ka imaanaya xarunta golaha shacabka oo ay ka sococto doorashada guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegaya in wareegga koowaad ee doorashada uu ku guuleystay xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo horay u ahaa goddoomiyaha baarlamaanka federalka.

Xildhibaan Jawaari ayaa waxaa uu wareegga koowaad kula tartamayay C/rashiid Maxamed Xiddig, waxaana uu helay xildhibaan Jawaari 141 cod, halka xildhibaan Xiddig isna helay 97 cod.

Xildhibaan Boqorre oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in guud ahaan xildhibaanada codeysay ay gaarayaan 259 xildhibaan , labo ka mid ah codadkana ay xumaadeen.  Labada xildhibaan ee ugu codka badnaa oo kal ah Xildhibaan Jawaari iyo xildhibaan Xiddig ayaa waxaa ay kala heleen 97 iyo 141 cod.

Prof. Jawaari ayaa jagadan cusub waxa uu hayn doonaa afar sano oo hor leh, waxaana uu horay usoo hayay mudo afar sano oo ka horreysan doorashadan.