Michael Keating oo fariin cajiib ah u diray danjiraha Imaaraadka ee Somalia

0
353

waaxa qorey yaasir br

Wakiilka QM u qaabilsan Arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa Danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya dalka Somalia Sheekh Maxamed Cismaan ugu baaqay inuu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.
Mr Michael Keating, ayaa Danjiraha ku dhiiragaliyay in howlihiisa shaqo uu ku wato magaalada Muqdisho, waxa uuna shaki galiyay in shaqsi ka maqan goobtiisa shaqo uusan qabankarin howshii loogu tallo galay.
Michael Keating, waxa uu Danjiraha ku amaanay dhexgalka Soomaalida, waxa uuna si dadban u bidhaamiyay in Danjiraha uu dalka dibadiisa ka dhabjinaayo howlaha Doorashooyinka Somalia.
Waxa uu sheegay in wakhtiga lagu jiro ay muhiim tahay in magaalada Muqdisho ay dib ugu soo laabtan Safiirada Dowladahooda u fadhiya Somalia.
Michael Keating, waxa uu tilmaamay in Dowlada Imaaraadka looga baahan yahay inay Iskaashi ka dhex abuurto Soomaalida, wax uuna sidaa darteed Danjiraha Imaaraadka ku booriyay inuu kusoo laabto magaalada Muqdisho.
Michael Keating, ayaa hadalkaani ka sheegay kulan ka dhacay Xarunta Xalane oo u dhexeeyay dhammaan Safiirada Dowladaha Saaxiibada la’ah Somalia ka jooga Muqdisho.
Docda kale, Danjiraha Imaaraadka ee Somalia ayaa dalka uga maqan cabsi kasoo foodsaartay dhanka Dowlada Somalia kadib markii uu faragalin lixaad leh ku sameeyay Doorashada Xasan Sheekh.