Diyaarad ka duushay Muqdisho oo shil ku gashay Nairobi

0
367

waaxa qorey yaasir br

Diyaarad xamuul ah oo  ka duushay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa shil ku gashay Gegida Diyaaradaha Joma Kenyatta Air Port ee Nairobi.
Saraakiisha Garoonka ayaa sheegay inay si deg deg ah ugu soo degtay Madaarka,markii ay soo wajahday cillad sababtay inay Cagaha lasoo bixi weydo.
Afar Qof oo saarna Diyaaradda ayaanay waxba ka soo gaarin shilkaas, waxana la hakiyay howlihii Garoonka, iyadoo duullimaadyadii imanayay halkaasina loo weeciyay Garoonka Diyaaradaha Mombasa iyo kuwo kale.
Shilkan oo dhacay Maqribnimadii Xalay,ayaanan wax faahfaahin ah laga bixin sababta ka dambeysay cilladda,waxaan soconaya baaritaanno la xiriira shilkaas.