Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Kulan Casho ah u Sameeyey Weftigii Ka Socday Baarlamaanka Sweden+SAWIRO

0
319

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Kulan Casho ah u Sameeyey Weftigii Ka Socday Baarlamaanka Sweden+SAWIRO

Hargeysa(WSN):-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa xalay kulan casho ah u sameeyey weftigii ka socday baarlamaanka dalka Sweden ee uu hoggaaminaayey Xildhibaan Arhe Hameednaca oo maalmahii ugu dambeeyey socdaal ku joogay Somaliland.

waxaana kulankan ka soo qeyb-galay Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), Hoggaamiyaha Xisbigaasi Md.Xirsi Cali X.Xasan, Siyaasi Ismaaciil Buubaa, diblomaasi Maxamed Biixi Yoonis, Ambassador Safiina iyo weli ba sida oo kale mas’uuliyiinta weftiga ka socday Baarlamaanka dalka Sweden.

Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen oo saxaafaddu dibad-joog ka ahayd, ayey mas’uuliyiinta Xisbigaas iyo weftiga Baarlamaanka reer Sweden ba, ay ka wada-hadleen arrimo badan oo ku saabsan siddii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka u dhaxeeya dawladaha Somaliland iyo Sweden, taabo-gelinta hannaanka dimuqraadiyaddeed ee Somaliland oo ay ugu horreeyaan Doorashooyinka iyo dhowridda xoriyatul qowlka dadka rayidka ah.

Waxa kale oo ay labada dhinac ba ka wada hadleen siddii ay uga wada-shaqeyn lahaayeen in ay Somaliland Ictiraaf ka hesho beesha Caalamka oo ay dawladda Sweden ku dhiirato siddii ay Baarlamaankeeda u marin lahayd qadiyadda Somaliland.

Ugu dambeyntii, kulankaas oo ku soo idlaaday isfaham iyo wada-shaqeyn buuxda oo dhex-marta labada dhinac, ayaa xildhibbaankii hoggaaminaayey weftiga ka socday Baarlamaanka dalka Sweden Mr.Arhe Hameednaca oo halkaas hadalo dheer ka jeediyey, ayaa si aada u amaanay guud ahaan Somaliland oo uu sheegay in uu aad u jeclaystay nabadda iyo xasiloonida ka jirta iyo weli ba sida oo kale horumarka kala duwan ee ka socda gudaha Somaliland iyada oon wax kaalmo dhaqaale ah oo buuran aan ka helin beesha caalamka. Waxa kale oo uu iftiimiyey in ay Somaliland fulisay dhammaan ba shuruudaha ay kaga mid noqon karto beesha caalamka oo ay dalkeeda ka hir-gelisay hannaanka dimuqraadiyadda oo ay ugu horreeyaan Doorashooyinkii ka soo qabsoomay Somaliland.