Musharax Jamal Ali Hussein, Oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyeey Geerida Marxuum Xaaji Daahir Cilmi

0
1176

Musharax Jamal Ali Hussein, Oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyeey Geerida Marxuum Xaaji Daahir Cilmi

Musharax Jamaal Cali Xuseen, waxa uu sidoo kale tacsida marxuumka u dirayaa Ugaasyada, Boqorada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Xaaji Daahir Cilmi Ducaale oo ahaa tiir ka mida tiirarka uu qarankani ku faani jiray, maanta oo ay taariikhdu tahay 30/08/2015 ku geeriyooday Magaalada Boorama.

Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Jamaal Cali Xuseen, ayaa tshacabka Somaliland, uga tacsiyadeeyay geeridii ku timi Allah ha u naxariitee Marxuum Xaaji Daahir Cilmi, oo ka mid ahaa haldoorka odayaasha Somaliland, ee magaca iyo maamuuska weyn ku leh taariikhda qaranka Somaliland, kana mid ahaa odayaashii dhidibada u taagay ee sida weyn uga soo shaqeeyay nabadayntii beelaha Somaliland, iyo gooni

isu-taagii qaranimada Somaliland oo maanta ku geeriyooday magaalada Boorama.

Musharax Jamaal Cali Xuseen, waxa uu sidoo kale tacsida marxuumka u dirayaa Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka, iyo Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay marxuumku, waxaanu Ilaahay uga baryay in uu marxuumka naxariistiisii jannatul fardowsa ka waraabiyo dhammaanteena uu samir iyo iimaan saadiq ah innaga wada siiyo….AAMIIN…ALLAH HA AQBALO.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here