Muuse [Biixi] Haddii Balamo Laga Baxo La Eegayo Waxay Ila Tahay Ilaa Halganki In La Soo Helayo Boqolaal Balamood Intuu Xilalka Ka Hayey Wadanka Uu Ka Baxay” Gudoomiye Cirro

0
509

Muuse [Biixi] Haddii Balamo Laga Baxo La Eegayo Waxay Ila Tahay Ilaa Halganki In La Soo Helayo Boqolaal Balamood Intuu Xilalka Ka Hayey Wadanka Uu Ka Baxay” Gudoomiye Cirro

Gudoomiyaha WADDANI Oo Ka hadlay Kulan Dhex Maray Xisbigiisa iyo Is-badal Doonka KULMIYE

Hargeysa (Warsugan) Gudoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ka hadlay wada hadalo u furmay shalay xisbigiisa iyo is-bahaysigii is-badal doonka KULMIYE. Kulanka dhex maray xisbiga WADDANI iyo Is-bahaysiga ayaan laga soo saarin qodobo iyo go’aamo.

Gudoomiye Cirro oo waraysi gaar ah siiyey Horn Cable Tv ayaa ka hadlay sida uu u arko kulanka dhex maray isaga iyo is-badal doonka KULMIYE waxaanu sheegay “Kulankii saaka aanu wada yeelanay WADDANI iyo is-bahaysigu waxa uu ka mid ahaa wada-hadalo noo socday ayuu ka mid ahaa waxooga la kala maqnaa, waxa aanu rajaynaynaa inuu soo gunaanadmo hada haddii ilaahay ka dhigo. Sidii la isku kaashan lahaa is-bahaysiga iyo WADDNI weeyaan ajanduhu guud waxa aanan filayna kulan kale oo deg deg ah inaanu yeelano haddii Alle ka dhigo labada cisho ee soo socda”

Gudoomiyaha Cirro oo wax laga waydiiyey cida Is-bahaysiga u matalaysa kulanka ayaaa yidhi “Raga ku jira waa la wada garanaya siyaasin waaweyn oo miisaan ku lahaa Somaliland guud ahaan oo xisbiga KULMIYE ka tirsana, waxa aan is leeyahay arrinta miisaanka iyo doorashada intaba iyo taageerada xisbigaba raga halkaa ku jira wax badan ayey ka tari doonaan”
Geesta kale gudoomiyaha WADDANI ayaa ka hadlay balan darro xisbigiisa lagu sheego isaga oo taas iskaga riixay gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi, isaga oo sheegay in tan iyo wixii ka dambeeyey xorayntii dalka inay jiraan balamo iyo go’aamo uu ka baxay Muuse Biixi Cabdi, w axaanu yidhi “Halkan waxa aan ku hayaa heshiiskii oo si cad u qoran oo Af-soomaali ku qoran qodobka labaad ee heshiisku wuuxu u qoran yahay sidan “waxa laysla qaatay in saddexda xisbi u hogaansaman go’aanka madaxweynuhu ka gaadho ee khuseeya arrinta saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada Somaliland” Go’aan madaxweynuhu ka soo saaray saami qaybsiga ma jirin ee wuxuu madaxweynuhu soo saaray kala qaadka doorashada; markaa horta wax balan ah oo aanu ka baxnay ma jirin laakiin waxa aan is leeyahay Muuse haddii balamo laga baxo la eegayo waxay ila tahay ilaa halgankii haddii la baadho oo waliba Horn Cable qaadato shaqadaa in la soo helayo boqolaal balamood intuu xilalka ka hayey wadanka uu ka baxay”

Sidoo kale gudoomiye Cirro waxa uu sheegay inaanay wali isku dayin xalinta khilaafka xisbiga UCID, in kasta oo uu xusay in uu talooyin ka dhiibtay xalka xisbiga UCID, waxaanu yidhi “UCID waanu ka tirsanaan jirnay runtii maanan isku dayin marka si rasmi ah loo eego inaanu dhex dhexaadino masuuliyiinta xisbiga UCID, laakiin cida uu doonaba ha noqodeen waanu kula talinaynayn in khilaafka la dhigo oo xal aanu xisbigu ku burburin la raadiyo, laakiin waxa aan qabaa uun soo bixitaanka xisbiga UCID in murrashax Jamaal uu ku lahaa door weyn in xisbigaasi soo baxo. Aniga waxa ay ila tahay eedaynta uu soo jeediyey murrashax Jamaal waa laga yaabay inay wax ka jiraan, waxa aan ku talin lahaa in xukuumadda iyo KULMIYE midna xaq u lahayn inay faro galiso arrimaha xisbiyada”

Xigasho Wargeyska Warsugan