Somaliland Oo Lasoo Degtay Buugaag Daabacan Iyo Shirkada HEMA Oo Gacan Libaax Ka Qaadatay.

0
671

Somaliland Oo Lasoo Degtay Buugaag Daabacan Iyo Shirkada HEMA Oo Gacan Libaax Ka Qaadatay.
Hargaysa (Warsugan) wasaarada wax barasha Somaliland iyo shirkada HEMA BOOKS ayaa maanta dekeda Caalamiga ah ee Berbera ku soo bandhigay buugaagta manhajka waxbarashada Somaliland ee dugsiyada Hoose, dhexe iyo kuwa sareba.
Daabacaadan ayaa noqonaysa tii ugu badnayd ee lagu sameeyo manhajka Somaliland Samaysatay ee Waxbarashada.

Agaasimaha Manhajka waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Yaasiin Diiriye ayaa kahadlay ahmiyada ay shixnadan buugaagta ahi uleedahay dalka “ waxa aanu maanta halkan ka qaadaynaa Buugaagtii Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Saraba ee Somaliland ee ay dhawaan diyaariyeen aqoonyahanada Somaliland muddo aad u koobana ay ku diyaariyeen isla markaana Hay’adda HEMA ee wadaniga ah ay wakhti gaaban ku soo daabacday, buugaagtaas cid kaloo ajanabi ah oo ka gacan qabtayna aanay jirin, arinkan ayaana ah wax lagu faano oo waxtar uleh dalka iyo dadkaba” ayuu yidhi agaasime Cabdilaahi Yaasiin.

Agaasimaha ayaa intaasi raaciyay in ay tahay wax lagu faano in aynu ubadkeena udiyaarino manhajkii ay wax ku baran lahaayeen una daabacno buugaag tayo leh.

Dhinaca kalana agaasimaha guud ee Shirkada HEMA Cabdiraxmaan Nuur Cigaal ayaa sharaxay Buugaagtan maanta lasoo dejiyay“ waxaa halgan loogu jiray sidii markii ugu horaysay aynu uheli lahayn manhaj iyo Buugaag dhamaystiran oo ay Somaliland gacanteeda ku samaysatay, runtii dadaal dheer oo wasaarada wax barashadu ay gashay kadib waxaa inoo suuro gashay in aynu maanta soo daabacno Buugaagtii Dugsiyada hoose dhexe iyo Saraba” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Nuur.

Cabdiraxmaan ayaa intaasi raaciyay in uu ardayda Somaliland ugu bushaaraynayo ee Gobolada oo dhan Buugaagtii ay diyaar yihiin, kana wada heli karaan Xarumaha shirkada HEMA ay ku leedahay magaalooyinka waawayn iyo wakiilada ujooga degmooyinka iyo Tuulooyinka.

Agaasime Cabdiraxmaan ayaa sheegay in qiimaha buugaagtani uu yahay qiimo jaban oo ay awoodi karaan ardayu waxaanu sheegay in qiimaha buugaagta dugsige sare yihiin calaa buug Saddex doolar ($ 3) halka qiimaha buugaagta dugsiyada hoose dhexena ay noqonayaa Hal doolar iyo todobaatan senti (1.70 cent).

Shirkada HEMA ayaa utaagan inay dadka reer Somaliland gaar ahaana dhalinyarada wax baranaysa ka haqabtirto dhamaan agabka wax barasho ee ay ardaydu ubaahantahay Iskuulada dawlada iyo kuwa gaarka looleeyahaba, waxaana agabkaasi kamid ah dhamaan Buugaagta ay manhajka Somaliland ugu tala gashay ardayda dugsiyada hoose dhexe iyo saraba ee dhawaan ay wasaarada wax barashada Somaliland ku dhawaaqday inay dib u habayn ku samaysay, waxaa kaloo kamid ah buugaagta aqoonta guud iyo buugaagta aqoonta takhasusaadka ah sida Caafimaadka, Beeraha iyo dhamaan aqoonta kala duwan.

Waxa kale oo ay Shirkada HEMA diyaarisay agab wax barasho oo ka saacidaya caruurta dugsiyada Barbaarinta heerwalba fahmada duruusta kala duwan ee ardaydu ku qaataan dugsiyada.

Xigasho Wargeyska Warsugan
h1

h3

h5

img_0296

img_0297

img_0302

img_0303

img_0309

img_0310

img_0312

img_0314

img_0318

img_0320

img_0321

img_0322

img_0324

img_0326

img_0330

img_0332

img_0334

img_0336

img_0337

img_0338

img_0340

img_0344

img_0345

img_0346

img_0357

img_0365