PSG oo ku soo biirtay tartanka saxiixa Dimitri Payet

0
330

Kooxda reer France ee PSG ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa kubadd sameeyaha reer France ee Dimitri Payet.

Sida ay baahisay Express, Dimitri Payet ayaa isku diyaarinaya inuu isagatago kooxdiisa West Ham United marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee bisha janaayo.

Maamulka sare ee kooxda PSG ayaa diyaar u ah inay ku dalbadaan Dimitri Payet aduun dhan 30 milyan oo Ginni, iyaga oo diyaar ula ah mushaar dhan 200 kun oo Ginni isbuucii.

Xiddigaan ayaa heshiis waqti dheer ah u saxiixay kooxdiisa West Ham bilooyin ka hor, wuxuuna haatan mushaar ahaan uga qaataa kooxda reer London 125 kun oo Ginni isbuucii.

PSG ayaa diyaar u ah in Dimitri Payet ay ka dul qaado kooxaha Manchester United iyo Arsenal oo doonaya saxiixiisa.