Qarax ka dhacay Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho iyo askari ku dhintay

0
278

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhaweyd gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay bar koontorool oo ay joogeen ciidammada ammaanka ee Soomaaliya.

Deegaanka Siinka Dheer oo ku yaal inta u dhaxeysa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo magaalada Afgooye ayaa waxaa lagu baaraa dadka iyo gaadiidka soo galaya magaalada Muqdisho.

Wararka hordhaca ah ee aynu halkaa ka helayno ayaa sheegaya in ay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray ciidammada bartaa koontarool ku sugnaa.

War lagu qoray barta Twitterka ee hay’adda sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hal askari uu halkaasi ku dhintay mid kalana uu ku dhaawacmay islama markaana ay fashiliyeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerrarkaas.