Qaraxyo Is-xiga oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga

0
363

ISTANBUL war sugan – Weerar qarax oo is-xiga ayaa ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ,waana meel u dhow garoonka kubada cagta ee Besiktas.

Qaraxa ayaa dhacay laba saac kadib markii ay dhamaatay ciyaar kubada cagta ah oo ka socotay garoonka Besiktas Vodafone arena.

Qaraxan ayaa lagu dilay ugu yaraan 29 qof ,waxayna u badan yihiin shaqaalaha booliska ,halka ku dhawaad 160 qof ku dhaawacmeen sida laga soo xiganayo maamulka Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Turkiga Suleyman Soylu ayaa sheegay in ilia hadda ay dhimashadu tahay 27 qof oo boolis ah iyo laba qof oo shacab ah sida laga soo xiganayo AFP.

Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday maanta in clank hoos loo dhigo ayna tahay maalin murugo.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay weerarkan.

Raiisal wasaaraha dalka Turkiga Binai Yildrim ayaa ku sheegay in weerarkan ay ka danbeyso Jamhada Kurdiyiinta ee PKK.