Qatar Vs Qatar: Sidee Ayeey Qatar Uga Caawisay Barcelona Iyo PSG Iney Gaaraan Heerka Sare Ee Ay Joogaan Haatan ?

0
590

Marka la eego waxyaabo badan, wadamada khaliijka carabta ayaa jecel magac raadin, waxayna u maraan dariiq waliba, doodasi waxaa caawinaya kulanka adag ee ay caawa Paris Siant Germain martogelineysaa kooxda Barcelona, labada kooxood ayaa ku dhismay dhaqaale ka yimid dhanka dowlada carabta.

Barcelona iyo Paris Saint-Germain ayaa labadaba ku hubeysan qaar kamid ah xidigaha ugu fiican caalamka waxayna bandhig kubadeed ku sameynayaan Champions League wareegiisa 16, dowlada Qatar ayaa labada kooxood ku hubeysay lacag dhan 1.225 bilyan oo euros oo kaliya saxiixyadii ay sameeyeen sanadii 2011 ilaa haatan ah.

Barcelona ayaa si weyn abaal ugu heysa dowlada Qatar oo ka caawisay lasoo wareegitaanka Luis Suarez iyo Neymar si ay wadajir ahaan Lionel Messi ula sameeyaan weerarka sadex aflaha ee dadka qaar ay u rumeysan yihiin iney yihiin kuwa ugu fiican aduunka, soo xerogelinta labada xidig ee koonfur America ayaa ku kacay 160 milyan oo euros.

Dhanka kale kooxda ree France ayaa iyadana sameysay saxiixyo waa weyn oo ay ugu horeeyeen Zlatan Ibrahimovic, Edinson Cavani, Angel Di Maria, Thiago Silva iyo Javier Pastore sanadihii danbe.

Marka laga soo tago iney caawinaad dhaqaale u sameeyeen labada koox, Qatar ayaa sabab u aheyd in labada koox ay ku tartamaan qaar kamid ah saxiixyada waa weyn iyadoo kooxda Parc des Princes ku ciyaarta ay ku garaacday dhigeeda Catalans saxiixa sadexda daafac ee David Luiz, Thiago Silva iyo Marquinhos.

Wadar ahaan kooxda Parisians ayaa lixdii xagaa ee ugu danbeysay qarash gareysay 702 milyan oo euros halka Barcelona ay bixisay 523 milyan oo euros.