XASAASI: Garsoore Mike Clattenburg Oo La Filayo Inuu Dhamaadka Xili Ciyaareedkaan Ka Tago Premier League

0
434

Cabsida laga qabo in garsoore Mark Clattenburg uu isaga tago horyaalka Premier League ayaa aad u sii kordheysa iyadoo la sheegayo in garsoorihii xili ciyaareedkii h–e qabtay finalada FA Cup, Champions league iyo Euro 2016 uu dhamaadka xili ciyaareedkaan soo afjari doono shaqadiisa Uefa iyo ingiriiska.

Dooda heysata garoorahaan ayaa korortay iyadoo dhaleeceyno badan loogu soo jeediyay kulankii Hull City iyo Arsenal sidoo kalena kulamo kale oo waa weyn, waxayna majalada Sportsmail fahamsan tahay in dalab kaga yimaada dalka mareykanka uu soo jiidan karo garsoorahaan 41 jirka ah oo sidoo kale laga doonayo China iuo bariga dhexe.

Waxaa la sheegayaa in Clattenburg uu ugu daalay eedeymaha isdaba jooga ah ee kaga yimaada qaladaadka uu sameeyo sida inuusan meesha ka saarin goolkii gacanta ahaa ee ee Alexis Sanchez uu dhaliyay kulankii ay Arsenal 2-0 kaga adkaatay Hull sabtigii.

Clattenburg oo bishii December ka hadlay dalab uu ka helo China ayaa yiri “hadii ay timaado fursad, inkastoo aan heshiis kula jiro Premier League – waxaan eegi doonaa danaha mashruucaas ugu jirta waayaheyga tababarenimo, imisa sano oo kale ayaan sii ahaan karaa garsoore” ayuu is weydiyay.

Isagoo ku daray “Waa wax wanaagsan in la caawiyo wadama uu garsoorkoodu korayo, sidaasi darteed waan ka fakari doonaa inaan caawiyo wada uu isboortigooda korayo”.