Gary Neville Oo U Sheegay Anthony Martial Iyo Luke Shaw Qaabka Ay Uga Mid Noqon Karaan Qorshaha Jose Mourinho

0
445

Gary Neville ayaa ku xujeestay xidigaha Manchester United aanan qiimaha ka laheyn ee ka tirsan kooxda Jose Mourinho ee Luke Shaw iyo Anthony Martial iney isbadal ku sameeyaan qaabka ay isugu diyaariyaan kulamada isagoo ugu baaqay iney tusaale ka dhigtaan Henrikh Mkhitaryan oo bilowgii xili cyaareedkaan ku dhibtooday inuu kasoo dhex muuqdo kooxda macalinka ree Portugal.

Luke Shaw iyo Anthony Martial ayaana heysan fursad ciyaaeed ku filan iyadoo xanibaado ay kala kulmayaan iney ku raaxeystaan Old Trafford wuxuuna Neville sheegay in eeda aysan aheyn Mourinho wuxuuna u tilmaamay labadaan nin sida ay isku dabo qaban karaan.

Isagoo ka hadlayay barnaamijka Monday Night Football , halyeeyga United ayaa yiri: “Xaaladii Mkhitaryan ee bilowgii xili ciyaareedka, waxaa cad iney wax ka dhexeeyeen isaga iyo macalinka, ma uusan aheyn qof la doorbidayo laakin dib ayuu u qasbaday kooxda, wuxuuna u muuqdaa mid cajiib ah”.

Martial wuxuu u baahan yahay inuu ka fakaro waxa uu rabo inuu sameeyo, “Chris Smalling kooxda ayuu dib ugu soo laabtay wuxuuna qabtay shaqo fiican, eedna lama kulmayo haatan,  Luke Shaw isna wuxuu u baahan yahay inuu fakaro uu ka fakaro wixii uu sameyn lahaa si uu fursadiisa kaga faa’ideysto”. ayuu yiri Neville.

“Waxa uu sameynayo Jose Mourinho waa xujeysi ah, Miyaad leedahay maskax aad ugu ciyaarto kooxdaa ? Ma leedahay tayo iyo ka go’naansho aad garoonkaas ku gasho oo wax ku soo bandhigto todobaadba kan xiga ?”.

“Martial waa saxiix weyn marka la eego lacagta laga bixiyay iyo waliba inuu aad u da’yar yahay, si kasto, wuxuu leeyahay tayo aanan caadi aheyn oo ka faa’ideysi u baahan, wuxuu noqon karaa wax waliba uu doonayo inuu noqdo, kulanka dhawaa wuxuu u ciyaaray si fiican, wuxuu haatan heystaa bilow fiican, xili ciyaareedkiisa haatan ayuu bilaabanayaa, United waxay ciyaari doontaa kulamo badan, wuxuu heystaa fursad ciyaareed aad u fiican, wuxuu joogaa kooxdii uu ku noqon lahaa xidig weyn, wuxuu ku sugan yahay kooxda aduunka ugu fiican ee lagu aqoonsan karo”ayuu hadalkiisa ku soo afjaray daaficii h–e ee United iyo England.