Radio Hargaysa Oo Ah Ilaacada Ugu Da’da Weyn Soomaalida Oo Heshay Qalab Sahlaaya Baahinta Barnaamijyadi 1960-maadki +SAWIRO

0
379

Radio Hargaysa Oo Ah Ilaacada Ugu Da’da Weyn Soomaalida Oo Heshay Qalab Sahlaaya Baahinta Barnaamijyadi 1960-maadki.+SAWIRO

Hargaysa(WMG) Ilaacada Radio Hargaysa oo ah Maqal baahiyaha ugu da’da weyn Warbaahinta Soomaalida lana furay xiligii maxmiyadi Boqortooyada Ingiriisku ka talinaysay dhulka Somaliland, ayaa markii ugu horeysay helay qalab u sahlaaya baahinta Barnaamijyadii Ilaacada Radio Hargaysa baahin jirtay 1960-maadkii.

Qalabkan oo soo bandhigistiisa Munaasibad maanta loogu qabtay xarunta Wasaarada Warfaafinta,  waxaa goob joog ka aha Agaasimha Guud ee Wasaarada, Agaasimaha Waaxda Farsamada, Guddoomiyaha Laanta SOLNA , madaxa Barnaamijyada Radio Hargaysa iyo  Masuul ka socday Personla Computers.

12465272_10153900811606834_2000251749_o 12465153_10153900811391834_1683141118_o (1) 12476221_10153900810991834_1883121232_n

Agaasimaha guud ee Warfaafinta Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) oo ka hadlaaya faa’iidada qalabkan cusub ee ay Wasaaradu heshay wuxuu yidhi. “Qalabkan oo ka koobaan Rikoodhadaas waxay sahlayaan in la baahiyo oo bulshada loo gudbiyo Barnaamijyadii kaydka Radio Hargaysa ee la duubay lixmadaadkii iyo todobaatanaadki, kuwaas oo wax weyn ka taraaya baahinta Ilaacada iyo gaadhsiinta bulshadaba”

12465687_10153900812176834_2146522146_o 12465272_10153900811606834_2000251749_o 12465234_10153900811256834_1519616354_o

Sidoo kale agaasimaha waaxda farsamada ee Wasaarada Warfaafinta Axmed Saleebaan weyne iyo masuuliyiin kale ayaa ka hadlay munasibadii lagu soo bandhigaayay agabkan. Radio Hargaysa oo hadda wada gaadha guud ahaan dalka Somaliland waxaa siweyn ugu xidhan bulshada, iyadoo baahinta barnaamijyadii tariikhiga ahaana ay waxbadan u kordhin doonaan ogaanshaha Shacbiga Somaliland ee tariikhdii dalkoodu soo maray.