Madaxweynaha Somaliland oo Wasiirka Deegaanka Ka tacsiyadeeyey Geerida walaasheed Marxuum Faadumo X Ismaaciil Baandarre

0
369

 

Madaxweynaha Somaliland oo Wasiirka Deegaanka Ka tacsiyadeeyey Geerida walaasheed Marxuum Faadumo X Ismaaciil Baandarre

TACSI MADAXWEYNE-31/12/2015

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u  dirayaa Wasiirka Deegaanka Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandarre, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida walaasheed Marxuuma Faadumo Xaaji Ismaaciil Baandarre oo ku geeriyootay 31/12/2015 Dubai.

 

Madaxweynuhu waxa uu tacsi taas la mida u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Marxuumadu.  waxaanu alle uga baryayaa marxuumada inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay  ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo.

 

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.