“ Siyaasadda Madaxweynuhu uu ka leeyahay waxa weeye in Quraanka barashadiisa iyo ku dhaqanka diinta Islaamka sare loo qaado.”

0
414
????????????????????????????????????

“ Siyaasadda Madaxweynuhu uu ka leeyahay waxa weeye in Quraanka barashadiisa iyo ku dhaqanka diinta Islaamka sare loo qaado.”
…………………………………………………………………

Hargeysa(Warsugannews)“ Farxad weyn ayey noo tahay, sharaf weyna way noo tahay in aanu caawa idinku soo dhawayno qasrigii wadanka looga talinayey ee Madaxtooyadeena, gaar ahaan da’ yarta xufaada ahayd ee ka qayb gashay tartanka quraanka kariimka ah, iyo culimadii macalimiintooda ahayd.

Martiqaadkan caawa aynu wada joogno oo uu sameeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ah martiqaadkii afaraad oo xidhiidh ah, ujeedada looga goleeyahayna maaha oo kaliya in la wada afuro, maaha oo kaliya in gaadhi Inan dhalinyarada ka mida oo kaliya lagu wareejiyo, dulucdiisu way ka xeel dheer tahay, waxa weeye in diinteena Islaamka ee sharafta badan gaar ahaan Quraankeena aynu dhiiri-galino, siyaasada Madaxweynuhu uu ka leeyahay waxa weeye in quraanka barashadiisa iyo ku dhaqanka diinta sare loo qaado.

Madaxweynaha Somaliland kama masuul ah oo kaliya adkaynta amaanka, Ilaalinta haybada qaranka, dayactirka iyo samaynta wadooyinka, horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka, waxyaabahaas masuuliyaadka nolosha aas-aaska u ah kaliya kama masuul ah, waxa kale oo Madaxweynuhu uu masuul ka yahay oo uu garwaaqsan yahay isaga iyo maamulkiisiba inay masuul ka yihiin ilaalinta diinta Islaamka.Waxa aanu aamisan nahay in aanu masuul ka nahay dhiiri-galinta ku dhaqanka islaamka, kor u qaadida xiftiga Quraanka, iyada oo taas la gudanayo ayuu Madaxweynuhu arrintan jideeyey.

Waxaan halkan ka hambalyeynayaa gorsooreyaashii culimada ahaa iyo gudidii tartankan qaban qaabisay ee u odayga u yahay Sheekh Maxamed Aadan ILAHAY ha xafido, waxaanu leeyahay ILAHAY ha idinka abaal mariyo shaqadaa weyn ee aad qabateen. Waxa kale oo aan jecelahay inaan halkan ugu mahad celiyo Wasiirka Diinta Sheekh Khaliil iyo Wasaaradiisa, waxa kale oo aan jecelahay inaan u mahad naqo Wasaarada Warfaafinta iyo warbaahinta madaxa banaan doorkii ay ka qaateen tartanka quraanka kariimka ah. Sidoo kale waxaan hambaleynayaa waalidiinta awlaadaasi dhashay.”
ALLAA MAHAD LEH
Ramadaan Karriim
Guul Somaliland.