Masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirkii Hore ee Waxbarashada Xasan Xaaji maxamuud Warsame Xasan Gadhweyne oo tacsi u diray Qoyskii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka Baxay Marxuum Siyaasi Iskeerse

0
468

Masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirkii Hore ee Waxbarashada Xasan Xaaji maxamuud Warsame Xasan Gadhweyne oo tacsi u diray Qoyskii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka Baxay Marxuum Siyaasi Iskeerse
TACSI

Hargeysa(Warsugannews)Wasiirkii hore ee Waxbashada iyo tacliinta Sare, Xasan Xaaji maxamuud Warsame (Xasan gadhweyne),
Cabdiwahaab Xaaji Cabdillaahi Diiriye (Gamgam), Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Suldaan Shariif Batuun , Ibraahim Cabdi Yacquub, Cabdirisaaq Maxamed Cali,Cabdilaahi Ducaale Cajab, iyo Cabdilaahi Axmed Cabdi, waxay dhammaan masuuliyiintaasi tacsi u dirayaan Qoyskii, qaraabadii, Eheladii iyo Asxaabtii uu ka baxay marxuum Siyaasi Maxamed Cabdi Aadan Iskeerse oo shalay ku geeriyooday Cusbitaalka guud ee Hargeysa. sidoo kale waxay shacbiga Somaliland u dirayaan tacsi, iyagoo marxuumka ku tilmaamay tiir ka mida tiirarka siyaasiyiinta waayo araga ah ee dalka ka baxay.
Waxaanay Marxuumka Alle uga baryayaan inuu u danbi dhaafo, su’aasha qabrigana u fudaydiyo, naxariistii Janadii fardawsana ka waraabiyo Amin Amin Amin