Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Carabta oo Kulan Afuro iyo xogwaran la qaatay jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan Abu Dhabi

0
464

Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Carabta oo Kulan Afuro iyo xogwaran la qaatay jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan Abu Dhabi

Hargeysa(Warsugannews)Mr. Baashe Cawil oo tacsi u diray geerida marxuum Maxamed Cabdi Iskeerse
Abu Dhabi- Mr. Baashe Cawil Cumar, Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta ayaa kulan afuro ah la qaatay Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalkaa.

Kulanka Safiir Baashe Cawil la qaatay shalay Jaaliyadda ayaa ujeedadiisa lasheegay inay ahayd is-xogwaraysi iyo isbarasho ayaa odeyaasha reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Abu Dhabi ka sheekeeyeen doorkii dadka magaaladu ka soo qaateen marxaladahii kala duwanaa ee dib-u-dhiska Somaliland soo martay.

Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta Mr. Baashe Cawil oo warbixin faahfaahsan ka siiyey xubnahii jaaliyadda ee ka soo qeybgalay kulanka afurada, ayaa sheegay maadama uu yahay safiirkii dhamaan jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabtu, waajibkiisa tahay inuu xogwaran ka siiyo mashaariicda horumarineed ee dalka ka socota, gaar ahaan kuwa dalka Imaaraadku ka fuliyeen, ama xilligan qorsheysan inay fuliyaan, sida dhismaha dhaamamka biyaha ee gobolada dalka qaarkood, taageeradii xilliyada kala duwan ay ka geysteen taakulayntii abaaraha, iyo mashaariicda horumarinta kaabayaasha waxbarashada, caafimaadka, iwm.

Mr. Baashe Cawil ayaa si weyn u amaanay kaalinta dalka Imaaraadka carabtu ka qaateen horumarinta dhaqaalaha iyo kaabayaasha Somaliland dhinacyada kala duwan, isla markaana noqoday wadankii ugu horeeyey ee maalgashi farabadan ku aaminay inuu gashado dalka oo heshiis casriyeyn la galay dekeda Berbera, taasoo la filayo inay wax badan ka qaato kobcinta dhaqaalaha dalka iyo dadka Somaliland, taasoo saxeexida heshiiskaasi keenay in indhaha caalamku u soo jeediso maalgashiga dalka, xilligana dhaqdhaqaaqyo badan oo dhinaca maalgashiga dalku la xidhiidha ifafaalahiisu bilaabmay.

Mr. Baashe Cawil ayaa u soo jeediyey bulshada Somaliland guddo/ dibedba iyo xisbiyada mucaaradka muhiimada ay leedahay isku-duubnidu iyo in qeybaha bulshadu taageerto soona dhoweyso wax kastoo cusub oo dalka u soo kordha, meelna looga soo wada jeesto ka ilaasashadeeda cid kastoo isku deyda inay majara-habaabiso, iyagoo u adeegayada dhinacyo diidan, maadama taasi u noqon doonto dhaxal jiilasha soo socda ee dadkeena.

Dhinaca kale, Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta Mr. Baashe Cawil Cumar ayaa dhambaal tacsi ah u diray geeridii ku timi maxruux Maxamed cabdi Iskeerse, oo galabta ku geeryooday cusbitaalka Hargeysa.
Ninba intuu jiraba waa mid aan laga jawaabayne,
Jibaadkiyo baroor maatadaa jawda damin weyday,
Jagaduu banneeyay ilmada jagac ka siiyeene,
Allahayow janee oo ka yeel Nebiga jaarkiisa, Aamiin
INNAA LILAAH WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN. Geeri kastaa naxdin iyo murugo deeda ayay leedahay. Haseyeeshee, geeriyahu kala naxdin badan oo kala saameyn culus. Waxaan dhamaan Reer Mohamed Abdi Iskeerse ka tacsiyadeenayaa geeridaa naxdinta leh, ee kutimid Marxuum Mohamed Abdi Iskeerse, oo aanu ahyn saaxiib gaar ah, Isla markaaana ahaa halgamaa door lixaadleh kasoo qaatay olalihii Xisbiga Kulmiye, iyo dib u dhiskii qarankan Somaliland. Waxaaan allaha awoodleh u waydiinaynaa marxuumkaa in uu qabriga u nuuro, ehelkiisa iyo dhamaan Reer Somaliland na samir iyo iimaan ka siiyo Aamiin.

Mr. Baashe Cawil ayaa sheegay in marxuum Siyaasi Maxamed cabdi Iskeerse taariikh dheer la soo maray xilligii xisbiga Kulmiye aasaaskiisu ka socday dalka Maraykanka, xidhiidh fiicana u dhexeyn jiray, waxaanu Ilaahay uga baryey inuu naxariistiisa Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, ehelkiisii, qaraabadii, xisbiga Kulmiye iyo dhamaan ummada reer Somaliland samir iyo iimaan ka siiyo.