Amb Baashe Cawil Cumar oo Ereyo Qiiro leh ku sagootiyey Marxuum Maxamed Cabdi Iskeerse tacsina u diray Shacbiga iyo Qoyskii uu ka baxay

0
303

Amb Baashe Cawil Cumar oo Ereyo Qiiro leh ku sagootiyey Marxuum Maxamed Cabdi Iskeerse tacsina u diray Shacbiga iyo Qoyskii uu ka baxay

Ninba intuu jiraba waa mid aan laga jawaabayne,

Jibaadkiyo baroor maatadaa jawda damin weyday,

Jagaduu banneeyay ilmada jagac ka siiyeene,

Allahayow janee oo ka yeel Nebiga jaarkiisa, Aamiin

Hargeysa(Warsugannews)INNAA LILAAH WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN. Geeri kastaa naxdin iyo murugo deeda ayay leedahay. Haseyeeshee, geeriyahu kala naxdin badan oo kala saameyn culus. Waxaan dhamaan Reer Mohamed Abdi Iskeerse ka tacsiyadeenayaa geeridaa naxdinta leh, ee kutimid Marxuum Mohamed Abdi Iskeerse, oo aanu ahyn saaxiib gaar ah, Isla markaaana ahaa halgamaa door lixaadleh kasoo qaatay olalihii Xisbiga Kulmiye, iyo dib u dhiskii qarankan Somaliland. Waxaaan allaha awoodleh u waydiinaynaa marxuumkaa in uu qabriga u nuuro, ehelkiisa iyo dhamaan Reer Somaliland na samir iyo iimaan ka siiyo Aamiin.

Aamiin
Ambassador Bashe Awil Omar