Siyaasiyiinta Garabka Toosinta Oo Qaadacay Iscasilaad Hoggaanka WADDANI Sheegay Inuu Ka Aqbalay

0
723

Siyaasiyiinta Garabka Toosinta Oo Qaadacay Iscasilaad Hoggaanka WADDANI Sheegay Inuu Ka Aqbalay

Hargeysa(Warsugan) Siyaasiyiinta isku magacaabay Garabka Toosinta xisbiga Waddani, ayaa ka soo horjeestay warqado xisbigu soo saaray oo ku sheegay in laga aqbalay iscasilaado ay soo gudbiyeen. Hinda Jaamac Gaanni oo guddoomiye u ah garabkaasi ayaa sheegtay inaanay jirin meel ay isku casishay, islamarkaana ay wali hayso xilka xoghayaha arrimaha bulshada ee Waddani.

Qoraallo ka soo baxay xisbiga Waddani ayaa lagu sheegay in Hinda Jaamac Gaanni, Cabdillaahi Axmed Cali (Bombay) iyo Foosi Xaaji Cabdillaahi Dirir laga aqbalay qoraallo iscasilaad ah oo ay soo gudbiyeen “Iyada oo la tixraacayo Qodobada 12aad iyo 13aad ee Xeerka Xisbiga. Waxa la idinla socodsiinayaa in shir uu yeeshay Hoggaanka Xisbigu maanta oo taariikhdu tahay 12 October, 2016 go’aamiyey in la idinka aqbalo iscasilaaddii aad iska casisheen xilkii iyo xubinnimadii Xisbiga WADDANI. Waxanu idiinka mahad-celinaynaa sidii xilkasnimada lahayd ee aad ula shaqayseen Xisbiga WADDANI intii aad xubnaha ka ahaydeen,” ayaa lagu yidhi qoraalka xisbigu shalay soo saaray.

Haseyeeshee siyaasiyiintan ay hoggaamiso Hinda Jaamac Gaanni oo shalay magaalooyinka Berbera iyo Burco lagu soo dhaweeyay ayaa taageerayaasheeda goob fagaare ah uga sheegtay inaanay wax iscasilaada gudbin“Haba yaraatee ma jirto wax iscasilaad ah oo aan sameeyay, maan qorin wax qoraal ah, intaan warbaahinta istaagayna ma odhan waan iscasilay, taasina waxay markhaati ka tahay inaan ahay xoghayaha arrimaha bulshada ee xisbiga Waddani,” ayay tidhi Hinda.

Garabkan Waddani ka falliidhmay ayaa ku doodaya in xisbigu ka leexday xeerarkiisa, waxaanay u muuqdaan kuwo diidan isbedelka lagu sameeyay hoggaanka xisbiga ee laga dhigay Musharaxa madaxweyne, guddoomiyaha xisbiga iyo hoggaamiyaha oo kala madaxbannaan. Xisbiga ayaa u muuqda mid ka maarmay xubnahan saluugsan hannaanka xisbigu u socda oo badankoodu ka soo jeeda gobolka Togdheer ilaa Sanaag.
Xigasho Wargeyska Warsugan

Hargeysa/Somaliland/Office
warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com